Ankara ( Ceelgardinews.com )-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa sheegay in maalinta Sallaasada ee fooda nagu soo heysa ay shaacin doonaan faahfaahinta ku saabsan qaababkii kala duwanaa ee loo dilay Jamal Khashoggi.
Jamal Khashoggi ayaa bishan 2-da lagu dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istabbuul.
Erdogan waxa kaloo uu sheegay inuu sharxi doono sababaha 15-ka katirsan Sirdoonka Sacuudiga ku imaaden Istanbuul iyo 18-kii kale ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga ee lagu xidhay Riyad.