Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Ee Hadda la Bedelay iyo Waxyaabaha uu magaalada ka samato bixiyay Een Aan Xog-ogaalka u ahay

0
363
Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Ee Hadda la Bedelay iyo Waxyaabaha uu magaalada ka samato bixiyay Een Aan Xog-ogaalka u ahay
Salebaan Cabdiraxmaan Looiye (Dawlad Abdi Looliye)
Mudadii uu xilka wakalaada biyaha berbera hayay waxa uu magaalada berbera ka samato bixiyay dhibatooyin iyo hagar damooyin waaweyn oo gaysan rabeen wasiiro iyo shirkado waaweyn wadan ka shaqeeya
Waxaan xog ogaal u ahaa in xiligii somaliland covid 19 ka Dilaacay Caalamkan kalena shidaalku ka qaaliyoobay in mareeye salebaan wasiirka maaliyada somaliland Dr Sacad cali shire u soo jeediyay in cashuurta shidaalka wakaalada biyaha berbera la gaadhfo sida wakaalada biyaha kale gobolada kale somaliland looga cashuurin wasiir sacad waxa uu ku jawaabay qiimaha biyaha kordhi bulshada berbera .salebaan arintaasi way u cuntami wayday go. aan geesi nimo leh ayuu qaatay waa la dabaashay xaaladaasi isagoo waxba bulshada ku koridhin
waxa kale mareeyaha la bedelay la kulmay shirkadaha ugu waaweyn ee somaliland maalgashaday inay ku fikireen inay biyo qotaa oo biyaha dawlada ka maarmaran iyagoo wasiiro xiliyada wasiirada biyaha ahaan waraaqo ka soo qaatay ,mareeye salebaan Arintaa si cad ayuu isu hortaagay isagoo kaashana maamulka degmada .hadii taasi cidhi lahaydna maanta wakaalada biyaha iyo shacbka danyarta ah ayaa isku soo hadhi lahaa
Waxa kale oo xasuusta in haayado biyo balaadhin ka waday Magaalada berbera iyo kuwii qandaraaska qodista qaatay in maalin maalaha ka mid ah ay camera iyo media diyaarseen iyagoo waxa biyo ah soo saarin .Arintaa markii mareeye salebaan ogaaday sid cad ayuu u horistaagay Waliba waxa ay canaani kaga dhacay wasiirki biyaha
intan iyo in ka badan xog-ogaal ayaan u ahay lakiin ma jecli Aan wax kale oo badan dibada keeno wakhtiga loo baahdo lakiin waa iga diyaar
Dawlad Abdi Looliye Waa Hogaamiyaasha aynu u baahan nahay inay Nidaamka dawlada inoogu shaqeyaan waxaa u soo jeedin lahaa inaanu salebaan Nidaamka dawliga ka fogaanin oo umada marar kale meelo kala duwan uga shaqeeyo . hadii kale waxa umada waxa heli laga quusay miidhan sida maanta nidaamka dawlada somaliland wehel u noqotay
Fariin ku socota mareeyaha cusub Khadar Said -waa nin ka mid ah DHalinayaradii ku soo kacaabay magaalada berbera kuna soo koray isaga iyo qoyskooduba in dhexe ayuu magaalada ka wareegay lakiin nin looga waramayo duruufta taala berbera iyo biyaha sida Aanay daqiiqadana u biyo beeli karin
Khadar Said sxb talada Aan ku siinayaa waxa weeye wakaalada biyaha berbera Meel mashariico laga bixin karo maaha taas ogsoonow Amarada iyo culaysyada ku soo dhacana ha qarasnin ee Maamulka Gobolka iyo Degmada la wadaag . kuriga maanta lagu fadhiisiyay haku dulmiyin bulshadaada oo hays odhan ku ilaasho kursiga Awalba waa shaqasan jirtay waana Aad nolay
Guul baan kuu rajaynayaa isha Allaha iyo in Alle xilka kugu Asturo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here