Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa magaalada Hargaysa kaga qayb galay Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay Maktabada Akhriska ee Siilaanyo

0
3
– .
Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa magaalada Hargaysa kaga qayb galay Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay Maktabada Akhriska ee Siilaanyo oo lagu samaynayo dib-u-habayn, ballaadhin iyo Casriyeyn.
Xafladdan oo si weyn looga soo shaqeeyey ayaa waxa kale oo goobjoog ahaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro, Gudoomiyaha Xisbal Xaakimka Waddani, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kaah, masuuliyiin sare oo Xisbiyadaasi ka tirsan iyo marti sharaf kale oo munaasibaddaasi lagu soo marti qaaday.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo munaasibaddaasi hadal ka jeediyey ayaa si weyn ugu dheeraaday Taariikhda Madaxweynihii Hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo oo u ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi ummadiisa wax badan gashaday waxana uu yidhi:
“Ka Xukuumad ahaan waxa aan ka shaqaynaynaa sidii u hirgeli lahaa dhismahaasi Maktabada ah ka shakhsi ahaana si gaara ayaan ula shaqayn doonaa cidda hawshaasi gacanta ku haysa.
Taariikhda Axmed Siilaanyo halkan laguma soo koobi karo balse waxa uu maanta innooga baahan yahay duco ee aan dhamaanteen aan u ducayno.
Waan garan karnaa qiimaha ay leedahay in la helo goobo wax lagu akhristo oo casriya Xukuumad ahaan waxa aanu ka shaqayn doonaa in aan horumarino goobaha wax akhriska ee dalka.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka JSL .
(),