Berbera ( Ceeldardinews.com ) : Agaasimaha Guud ee wasaarada biyaha Somaliland Jamaal Cabdi Muuse oo ay Wehelinayan Isuduwaha wasaarada Biyaha ee Gobolka Saaxil Ibraahin Cumar Maxamuud iyo Saraakiil sare oo ka Tirsan wasaarda biyaha ayaa Booqdey Ilaha Biyahu Uga Yimaadeen Berbera.
Deeganada ay booqdeen wafdigani ayaa waxaa kamid ahaa Dubaar, Dooxyada Faro Deero,Ceelgumare iyo Dooxa kala jab , Iyadoo Wiigagii u danbeeyay Dooxyadan Laga Hirgaliyay Ceelal Cusub oo Lagu dari Doono nidaamka Biyaha Berbera.
Agasimaha Guud Ee wasaarada Horumarinta Biyaha Ee Somaliland waxaa Kale o o uu Booqday Xafiiska wasarada biyuhu ay Ku Leedahay Berbera, Halkasi oo uu Kula Kulmay Maareeyah wakaalada Biyaha Berbera Axmed aadan Ismaaciil iyo Agasimayasha waaxyaha kala duwan.