Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Oo Soo Kormeeray Ceelasha Biyaha Ee Berbera

0
372

Berbera ( Ceeldardinews.com ) : Agaasimaha Guud ee wasaarada biyaha Somaliland Jamaal Cabdi Muuse  oo ay Wehelinayan Isuduwaha wasaarada Biyaha ee Gobolka Saaxil Ibraahin Cumar Maxamuud  iyo Saraakiil sare oo ka Tirsan wasaarda biyaha ayaa Booqdey Ilaha Biyahu Uga Yimaadeen Berbera.

Deeganada ay booqdeen wafdigani ayaa waxaa kamid ahaa  Dubaar, Dooxyada Faro Deero,Ceelgumare iyo Dooxa kala jab , Iyadoo Wiigagii u danbeeyay Dooxyadan Laga Hirgaliyay Ceelal Cusub oo Lagu dari Doono nidaamka  Biyaha Berbera.

Agasimaha Guud Ee wasaarada Horumarinta Biyaha Ee Somaliland  waxaa Kale o o uu Booqday Xafiiska wasarada biyuhu  ay Ku Leedahay Berbera, Halkasi oo uu Kula Kulmay Maareeyah wakaalada Biyaha Berbera Axmed aadan Ismaaciil iyo Agasimayasha waaxyaha kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here