berbera ( Ceelgardinews.com ) :- Xoggo Wargeyska Yool uu ka helay illo rasmi ah, ayaa daboolka ka qaaday in dakhligii Kastamka Magaaladda Berbera loo leexiyey Baananka gaarka loo leeyahay, halka markii hore dakhligaas lagu xerayn jiray Baanka dhexe ee dawladda. Ma jiro wareegto ama war-murtiyeed arrinka ku saabsan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda.




















