“KURSIGA SADDEX NIN FUULI MAYAAN, EE NINKA FUULAYA WUXUU KU QASBAN YAHAY INUU QARANKA U SHAQEEYO, EE QOF WALIBA XISBIGA UU DOONO HA U CODDEEYO”AXMED YUUSUF YASIN

0
280

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) :- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa iyo loolanka Xisbiyada, waxaanu si gaar ah talo ugu soo jeediyey Saddexda Musharax eek u tartamaya Jagada Madaxweyne, oo uu ugu baaqay inay ka dheeradaan qabyaalada iyo wax walba oo nabadgalyo daro abuuri kara, waxaanu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay codkooda siyaan Musharaxa iyo Xisbiga ay u gartaan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ku taliyey in nabadgalyada iyo xasiloonida la ilaaliyo, waxaanu ugu horeyn yidhi”Waxaan leeyahay Shacabka reer Somaliland, Doorasho Madaxtooyo ayaa dhacaysa, Saddex Xisbi ayaa tartamaya, Saddex Musharaxa baa la kala dooranayaa, Saddexda Musharaxba Kursi Madaxweyne ayey u cararayaan, Kursigaasina waa Kursi ka dhexeeya umadda oo dhan, Musharixii yimaadana umadda ayuu u shaqeeynayaa, ee waxaan leeyahay Saddexda Musharaxa ee Kursiga Madaxweynaha ku tartamaya ka fogaada qabyaalada, Nabadgalyo daro iyo wadankeena oo khal-khal galana uma taag hayno, ee si nadiif ah u tartama, oo wadankeena aynu wada ilaashano, oo aynu dhinac uga soo wada jeedsano, Shacabkana waxaan leeyahay Kursiga Madaxweyne saddex nin fuuli mayaan, , ee qof waliba Xisbiga uu doono ha u coddeeyo, balse Nabadgalyada ayaa wax walba u horeeysa ee Nabadgalyada mar walba aynu ilaalino, Shacabkuna ha ahaadan Shacab dalkooda ilaaliya”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore mar uu si gaar ah uga hadlaayey Cidaamada ayaa yidhi “Waxaan aad iyo aad u salaamaya umadda Islaamka ah meel kasta oo ay joogaan,waxaan si gaar ah u salaamaya guud ahaan Ciidamada Somaliland, gaar ahaan Ciidamada Qaranka, ee jiida hore jooga,ee aanay u suurtagalin inay qoysaskoodii iyo ubadkoodii ay la ciidan Ciida Carafo madaama ay nabadgalyada sugayaan, waana u hambalyeynayaa”.

 

 

Xigasho Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here