Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerarkan kaga jawaabayeen kadib markii Alshabab ay weerar gaadmo ah ku beegsadeen Ciidamada Amniga ee Jubaland.
Ciidamada Jubbaland ayaa lala beegsaday weerar jidgal ah xilli ay dib ugu soo laabanayeen saldhigooda kadib kormeer ay sameeyeen.
7 katirsan ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaas, halka saddex kalena lagu dhaawacay.
Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee Kudha waxay sheegeen in ay xoojiyeen ammaanka saldhigga ciidamada Jubbaland iyaga oo geeyay diyaarad helikobtar ah iyo cutub ilaalada dhulka ah.