Ciidamada AMISOM oo sheegay in ay Kudhaa ku dileen 11 katirsan kooxda AL-Shabaab

0
253
whatsapp sharing button
email sharing buttonCiidamada AMISOM ee ku sugan jasiiada Kudhaa ayaa burburiyey labo gaari waxayna dileen 11 dagaalame oo katirsan kooxda  Shabaab, kadib markii ay qaadeen howlgalo cirka iyo dhulka.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerarkan kaga jawaabayeen kadib markii Alshabab ay weerar gaadmo ah ku beegsadeen  Ciidamada Amniga ee Jubaland.

Ciidamada Jubbaland ayaa lala beegsaday weerar jidgal ah xilli ay dib ugu soo laabanayeen saldhigooda kadib kormeer ay sameeyeen.

7 katirsan ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaas, halka saddex kalena lagu dhaawacay.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee Kudha waxay sheegeen in ay xoojiyeen ammaanka saldhigga ciidamada  Jubbaland iyaga oo geeyay diyaarad helikobtar ah iyo cutub ilaalada dhulka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here