Nairobi ( Ceelgardinews.com ) -Wasiiradda Qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Iyo ganacsiga Cumar Shucayb oo ku sugan magaaladda Nairobi ayaa kulan la yeeshay madaxda Baanka Aduunka.
Wasiiraddan ayaa kala hadlay baanka aduunka mashruuca Score oo ay si toos baanka aduunka ugala shaqeeyo wasaaraddaha qorshaynta iyo ganacsiga.
Maxamed Ibraahim oo uu waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in baanka aduunku uu 11 mashruuc ka hir gelinayo Somaliland isla markaana ka ugu dambeeyaa uu soo dhamaan doono marka la gaadho sanadka 2019.
Wasiir maxamed ibraahim ayaa intaas ku daray in ilaa iminka kulamada ay la yeesheen baanka aduunka oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay u socday ay si habsami ah ugu socdaan isla markaana ay rajo fiican ka qabaan in ay soo dhamaadaan.