Laascanood (Ceelgardinews.com) Saraakiil Ka Socota Wasaarada Arrimaha GUdaha Somaliland oo uu hogaaminayo La Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Axmed Xasan Cigaal Iyo Af-Hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed oo Khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo baxay Magaalada Hargaysa Ayaa Si Rasmiya Gacanta Uugu Galiyan Saraakiisa Maamulka Puntland Gaadhi Uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Dhawaan Uu Kala Soo Baxsaday Darawalkiisu lana soo galay Somaliland.
Masuuliyiinta ka socda wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo baxay caasimada Somaliland Ee Hargaysa Waxaana Ay Magaalada OOg kulan kula yeesheen ciidamada iyo saraakiisha milatariga ee Widh-widh oo iyagu gaadhigaasi gacanta ku soo dhigan una soo gudbiyey taliska milatarida ee Oog.
Sidoo kale Taliyaha Xerada melatarida ee Oog oo isagu gacanta ku hayey Gaadhigani oo noociisu ahaa HILUX (Xaajiyad) waxaana taliyuhu si rasmiyaga ugu wareejiyey gaadhigaasi masuuliyiihnta wasaarada Arrimaha gudaha Ee La Taliyaha Wasiirka iyo Waliba Af-hayeenka wasaar
ada Arrimaha GUdaha.