DAWLADA SOMALILAND OO DIB U CELISAY GAADHIGII LAGA SOO DHACEY MADAXWEYNE KUXIGEENKA PUNTLAND+SHURUUD AY RAACISAY

0
313

 Laascanood (Ceelgardinews.com) Saraakiil  Ka Socota  Wasaarada Arrimaha GUdaha Somaliland oo uu  hogaaminayo  La Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Axmed Xasan Cigaal  Iyo Af-Hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha  Jamaal Cabdi Muxumed oo Khamiistii  Todobaadkii  Hore  ka anbo baxay  Magaalada  Hargaysa   Ayaa Si Rasmiya Gacanta Uugu Galiyan Saraakiisa Maamulka Puntland Gaadhi Uu  lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland  oo Dhawaan Uu Kala Soo Baxsaday Darawalkiisu  lana soo  galay  Somaliland.

somaliland

Masuuliyiinta ka  socda  wasaarada Arrimaha Gudaha  ayaa  khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo  baxay  caasimada Somaliland Ee Hargaysa  Waxaana Ay  Magaalada OOg  kulan  kula yeesheen ciidamada iyo saraakiisha milatariga ee Widh-widh  oo iyagu  gaadhigaasi  gacanta ku soo  dhigan  una soo  gudbiyey  taliska milatarida ee Oog.

Sidoo  kale  Taliyaha Xerada  melatarida ee Oog oo isagu  gacanta ku hayey  Gaadhigani  oo  noociisu  ahaa HILUX (Xaajiyad)  waxaana  taliyuhu  si  rasmiyaga  ugu wareejiyey gaadhigaasi  masuuliyiihnta wasaarada Arrimaha gudaha  Ee La Taliyaha Wasiirka iyo Waliba Af-hayeenka wasaar
ada Arrimaha GUdaha.