Deg Deg :- Madaxweyne Siilanyo Oo Magacaabis Sameeyey.

0
286

Hargeysa ( Ceelgardinews.com )      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo SummadeeduJSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.

silanayo

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Ku Qancay:                  In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;

 Markuu Arkay:                         In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);

 

Wuxuu go’aansaday;

 

In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:

 

  1. Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal                Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).
  2. Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed                            Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
  3. Abdillaahi Ibraahin Habane                                Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
  4. Cali Cabdillaahi Daahir                                         Madaxa ICT Commission-ka.
  5. Liibaan Ismaaciil Maxamuud                              Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
  6. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid                    Duqa Caasimadda Hargeysa.
  7. Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse                            Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
  8. Maxamed Faarax Xirsi                                         Akaa damiga Nabadda iyo Horumarinta.
  9. Cabdirashiid Maxamed Siciid                               Ganacsatada.
  10. Cabdikariin Maxamed Iid                                      Ganacsatada.
  11. Suldaan Axmed Daahir Muuse                              Culimada.

 

Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here