Digniin ka timi sarkaal ka tirsan xisbiga wadani

0
448

Digniin

Si dhaw ayaanu ula soconaa dadka caadaystay aflagaadada Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi Cirro aflagaadadaas oo aan shalay uun bilaamin ee in mudo ahba socotay ” dadkaas oo ah dad kooban ayaa waxay Madaxwaynaha xisbiga aflagaadeeyaan iyaga oo gashan shaadh been ah oo ay iska dhigayaan inay yihiin taageerayaal xisbiga ah ” iyaga oo aanu ognahay inaanay xisbiga meelaba aanay kasoo gelin ”

Hadaba dadkaa aan kor kusoo xusay oo tiradooda gaadhayso ilaa 35 qof oo dhamaantood aanu ku jirin mid codeeyay xiligii doorashadii madaxtooyada waxaanay u qaybsanyihiin kuwa dalka joogay oo cardkii cod bixiyahaba aan qaadan iyo kuwa dalka debediisa jooga oo iyaguna lamid ah “hadaba saaxiibayaal waxaan idin leeyahay Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waa hogaamiyaha Aqlabiyadda shacabka Somaliland oo wuxuu hogaamiya %42 waana musharixii shalay ee xisbiga waddani iyo Musharaxa maanta ee xisbiga waddani ”

Dhamaan masuuliyiinta Xisbiga iyo taageerayaasha xalaasha ah ee xisbiguna waxay iibinayaan Md Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi Cirro maanta iyo beriba ” suuragala maaha in cid xisbiga debeda ka joogtaa ay samayn ku yeelato kursigiisa ” sidaa dareed waxaan mar labaad ku celinayaa inaanu si dhaw idiinla socono waxaanan idiin sheegayaa inaanaan imika wixii ka dambeeya aan xisbigu idiinka dul qaadan doonin khalkhalka iyo kala fogaynta bulshada iyo qaranka ee aa u adeegsanaysaan shaadhka aa been abuurka u xidhateen ee xisbiga ” idinka iyo cida aa ka shidaal qaadanaysaanba ”

Waxaan la soconaa in aa ilaa xalay qaadaa dhigayseen Gud Cabdiraxamaan ayuu Madaxwaynuhu gaadhi siiyay Madaxwaynuhu ma Dukaan uu leeyahay ayuu gaadhiga ka iibiyay? maxaa ka xarimay inuu qaranku maamuuso masuuliyiinta qaranka ” ay madaxda u yihiin kana midka yihiin ” ?

Waa sheeko jaban oo waxaa wareejinasaan ee aa wejiyada badan u yeelaysaan ee caga dhigta cidla haka xiiqinee kana waantooba sharafta iyo karaamada madaxda ee aa xagxaganaysaan” iyo magaca xisbiga aydaan ka tirsanaynay ee aa been abuurka u adeegsanaysaan ee aa cid walba ku aflagaadaynasaan hadii aa joojin waydaana sharciga ayaanu idinla tiigsànaynaa

Ugu dambayntiin waxaan bulshada reer Somaliland u bayaaminayaa ” inaan masuul iyo taageere xisbiga waddani ah aanay marna aflagaado kasoo gaadhin Madaxda xisbiga iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ” oo aanay dadkaa hore usoo sheegay aanay metel ahayn kana tirsanayn xisbiga ”

Fiira gaar ah,,,,,

Dadkaa aan soo xusay tiradooda maaha dad beel qudha kasoo wada jeed ee waa dad ka kooban Somaliland ”

Xoghaye ku.xigeenka Amniga ee xisbiga waddani Sacad Cali kaahin Balaaki…

Allah Mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here