Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Md. Sharmake Geelle ayaa soo gabo gabeeyay Kulan qiimo badan oo lagu qeexayo kaalin walba oo shaqo iyo Kartida looga baahan yahay si shaqaalaha dawladu u tartamaan.
Gudoomiye Sharmaake oo Faahfaahin ka bixiyay ujeedka fog ee Hay’addu ka leedahay Tayaynta Shaqada ayaa sheegaay
“Kaalin walba iyo kartida ay u baahan tahay “Competency frame work”
– Waxaanu maanta soo gabo-gabaynay diyaarinta haggaha qeexaya kaalin walba oo shaqo iyo kartida looga baahan yahay si shaqaalaha dawladu ugu tartamto.
– Siyaasadan ayaa meesha ka saari doonta in shaqaalaha dawladda kaalin uun la isaga dhiibo waxaanay u daadihin doonta qaranka in kaalin walba yeelato halbeeg “Measurement” lagu gaadhi karo
– Shaqaalaha dawladda waxaa loo abuuri doonna hiigsi iyo halbeeg ay haybsadaan oo aan hayb lahayn balse aqoonta, waayo-aragnimada iyo kobcinta naftoodu u horseedo guusha qofnimadooda iyo qarankooda
-Siyaasadan iyo kuwa tirada badan ee mudooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha iyo khubaro caawinaysa ay diyaariyeen ayaa marka la isku geeyo shaqaalaha dawlada dhan walba ka dhisi doonta, dawladana ka dhigi doonta mid casri ah oo la tartanta qaramada caalamka.
Gudoomiye Sharmaake Axmed Geelle oo intuu joogay Hay’adda Shaqaalaha oo koobnayd ku hirgaliyay Qorsheyaal badan oo xukumaduhu u aayi doonaan dana u ah shaqaalaha dawlada hirgaliyay isla maanta wuxuu ku sagootiyay mudo xileedkii Madaxwayne siilaanyo ugu dambaysay Maalin shaqo.
Gudoomiye Sharmaake geelle ayaa isla xalay Lagu gudoonsiyay Shahaado sharaf uu ku mutaystay Hagida iyo Maamulida shaqadiisa .