W.Duulista iyo Hawada JSL oo Madaxwayne Siilaanyo ku Sagootisay Mashaariic Cusub oo Madaarka Caasimada Laga Hirgaliyay

0
331

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Omer Zayid oo qayb ka ahaa Horumarintii Madaarka caasimada ee Cigaal 4tii sano ee u dambeeyay ayaa ka warbixiyay mashaariic cusub oo lagu soo kordhiyay Madaarka Caasimada sidoo kalena ku soo beegmatay maalintii u dambaysay mudo xileedkii madaxwayne siilaanyo

Halkan ka Akhriso Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook

“Iyada oo maalinta bari ay ku egtahay mudo xileedkii madaxweynaha JSL mudane Axmed maxamuud siilaanyo, Waxaan madaxweynaha uga mahad naqayaa mudadii aanu soo wada shaqaynay waxaanan leehay Thank you Mr President.

 

Wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirku horumar baaxad wayn ayay ku talaabsatay mudo xileedkan dhamaanaya, iyadoo riyooyin faro badan aanu xaqiijinay, waxa ugu dambeeyay oo aanu maanta xadhiga ka jarnay sadex mashruuc oo cusub oo aan ku soo kordhinay madaarka caasimada oo wax wayn ka tari doona adeega iyo badqabka looga baahan yahay madaarka oo kala ah sidan hoos ku qoran.

1: Qalabka sawiraya ama lagu baadho gaadiidka hoostiisa (Under vehicle Scan machine ) askartii gaadhiga baadhi jirtay ee ku dhibtoon jirtay ayuu shaqadii u sahlayaa.

2: VIP cusub oo gaar u noqon doonta dadka soo dagaya oo
si aad ah loo qalabeeyay.

3: Hog ama tarajee lagu wareejiyay gudaha madaarka oo aan gaadiidku ka soo gudbi karin oo lagu soo soo wareejiyay dhamaan xayndaabka madaarka.

Sidoo kale waxaan soo dhawaynaynaa madaxweynaha la doortay iyo xukuumada cusub ee dhawaan la soo dhisi doono, taas oo aan rajanaynayno inay iyaduna horumarkii dalka halkaas ka sii qaadin doonto bi idnilaah.

Maalinta beri ayaa si rasmi ah uu xilka ula wareegi doonaa Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here