Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo Fasaxay Shaqaale waynaha Dawlada Xuska Maalinta Dhalashada Nabiga SCW oo beri ku beegan

0
358

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmake axmed geelle ayaa Fariin hambalyo ah u diray dhamaan shaqaale waynaha Somaliland Xuska Dhalashada Nabiga SCW oo ku beegan maalinta berri ah sidoo kale gudoomiye sharmaake geelle ayaa Fasax qaran galiyay dhamaan shaqaalaha xuska Dhalashada Nabiga SCW

Qoraal kooban oo Warbaahinta soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:

“Wargelin Fasax: Xuska Maalinta Dhalashada Nebi Maxamed N.N.K.H
Waxa aan ugu hambalyaynayaa guud ahaan dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaanna shaqaalaha dawladda xuska dhalashada Nebigeennii suubbanaa Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
Xuskaas oo ku beegan maalinta khamiista ee berri, waxa sida sharcigu dhigayo ay noqon doontaa maalin shaqaalaha Daawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay fasax geli doonaan munaasibadda dhalashada Nebigeennii suubbanaa awgeed.
Sidaas darteed, waxa aan la socodsiinayaa dhamaan Shaqaalaha Dawladda in maalinta berri, Khamiis, 30 ka bisha November 2017 ay tahay maalin fasax ah isla markaana shaqooyinka lagu soo noqon doono maalinta Sabtida ah ee 2da bisha December 2017.
Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Jamhuuriyadda Somaliland”