Kazakhstan 🇰🇿. ■Kasaakhistaan waa mid kamida jamhuuriyada islaamka ah ee aasiyada dhexe waana dalka ugu dhulka weyn dunida islaamka

0
628

Kazakhstan 🇰🇿.
■Kasaakhistaan waa mid kamida jamhuuriyada islaamka ah ee aasiyada dhexe waana dalka ugu dhulka weyn dunida islaamka ☪️ idilkeedba.

■Jamhuuriyada Kaasikhistaan waxa maalmihii ugu danbeeyay kataagnaa qalalaase siyaasadeed oo khatar weyna ku ah guud ahaan dalkaas iyo shacabkiisa muslimka ahba una horseedi kara burbur laxaadleh oon sookabasho lahayn gaadhsiina kara inay noqoto Libyada 🇱🇾 asiada dhexe ama ama ciraaqda xiligan.

Sababaha ugu waaweyn ee keenay in shacabka dalkaasi kaco qaswadayaasha iyo argagixisada shisheeyana fursada usiiyay inay guud ahaan dalkaas xaalad amaan daro galo shacabkiisana dawalda kahor keenaan waxa ugu muhiimsan.
* inay dawladu faraha kaqaaday xorna kadhigtay maamulkii shidaalka dalkaas amaba ay sicaadiya dadwaynuhu ugooyaan qiimaha lakalasiisanayo shidaalka.

* in shidaalkii gacanta ugalo ganacsatadii waawaynayd ee dalka iyaguna intay qiime sar ku uubsadeen kadibna ay uwaarideen dalka dibadiisa taasina ay keentay in qiimihii shidaalku qaaliyoobo cirkana isku shareero tagana 100%.

● Masii jiridoontaa kasaakhistaan.
▪︎sida aynu lasocono ama aynu wada ogsoonahay waxa meesha kabaxday xukuumadii dalkaas madaxweynuhuna wuxuu xilkii kaqaaday dhamaan madaxdii amniga qaranka ee dalka taasoo cadaynaysa in dalku guud ahaantii burbur qarka usaaranyahay 80% .
Halka dhanka kalena toos loodaawanayay madaxwaynihii dalka oo leh waan siijoogayaa mantagayo qaylo dhaana udiranaya Rusianka🇷🇺 iyo dawladihii qaybta ka ahaa midawgii sofiyeetka.
● hadii ay bardhamaad yeelan waayaan mushkiladaha cakiran ee kataagan kaasikhistan waxaan la fogaysan karin inay dhacaan wixii Ukraine 🇺🇦 kadhacay 2014 milatariga ruushkuna isku xeeraan ama qabsadan dhulka waqooyiga dalka dhaca ee masiixiyiinta ortodhogosku degaan oo ay kujirto caasimada dalka ee nursultan, iyadoo ay rusiankuna food saaro kadhiganayaan difaaca dadkoodaas dalka ka ah 30% halka qorshaha waynina yahay inay guud ahaan sooceliyaan awoodii masiixiyiinta orthodoxka dunida sida ay kawadaan Suuriya 🇸🇾 ooy lafteedaba larabaan inay kararaan waqooyiga kurdiyiinta dega kuna beeraan masiixiyiinta Armanka ama ay kasameeyaanba Armeniada 🇦🇲 weyn.

■China🇨🇳.
Shiinaha dani uguma jirto inay xasaradi ka aloosnaato ama uu burburo dalkaasi guud ahaanti waayo waa barta ganacsi ee ugu muhimsan ganacsigiisa dariiqa xariirta ah.
Waan isla halkuu umari karo haduu damco duulaan uu ku ekeeyo dunida galbeedka.

●Doorka Tukriga 🇹🇷 Iyo dalalka Turkumaanka Tajikistan 🇹🇯, Uzbekistan 🇺🇿, Turkmenistan 🇹🇲

Waxay kawada hortagikaraan mushkilad kastoo dalkaas ka aloosan maadaamooy wadaagaan Diin luqad habakala lahjado duwanaadaane hal cirqina kuwada abtirsadaan dhaqaalahooduna maanta fiicanyahay.

■ Turkey 🇹🇷.
Turkridu waxay sir iyo caadba ugashaqaynayeen inay dhisaan cudud dhaqaale iyo mid milatari oo ay udhisaan dawladaha turkumaanka seeska dawladaasi ay dhismaheeda wadaana yahay Diinta islaamka☪️.
Tugrigu hadiiba uu isbalaadhiyo dani ugumajirto kalinimada oo jabhadkasta xaalad dagaal oo culusbuu kaga furan, halka ay dhanka kalena Bosnia🇧🇦 kunoqotay jiho kale oo cusub dagaalna qarka usaaran maadaamoo Russianku qori dable la dhex wareegayaan Serbia 🇷🇸 iyo Bosnia kana shaqaynayaan colaad labaad oo markala qaraxda.

● gebagebada hadii ay Kazakhstan 🇰🇿 burburto waa qasaare kale iyo burbur kuyimaada dal muslima iyo hooyooyin kale oo barakaca.

Qore: Cabdifataax Gudhubaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here