Khataraha Heshiiska Dekedda Berbera+ Duullaanka Masar ee Go’doominta Itoobiya + Saamileyda Qarsoon Iyo Maxkamadda Ina Boore

0
320

Hargeysa(Ceelgardinews.com)-Tuhunka, shakiga iyo mad-madowga ku gadaaman heshiiska Xukuumaddu dhowaan Magaalada Dubai ee isku taga Imaaraadka Carabta kula soo gashay Shirkada DP World, kaasoo nuxurkiisu ku fasirtay inuu la xidhiidho in maamulka iyo gacanku haynta Dekedda Maagaladda Berbera lagu wareejiyey Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka, ayaa marba marka ka danbeysa si weyn isu-soo tarayaa, taasina waxa ay dhalisay in Bulshada reer Somaliland ay ka lunto kalsoonidii ay ku qabeen Xukuumadda tallada haysaa. Waxana arrimaha daliil u ah hadallada is tabcaynaaya iyo Wararka is burinaaya ee kasoo yeedhaya qaar kamid ah Masuuliyiinta Xukuumadda siba, Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Sacad Cali Shire oo kamid ah xubnihii la socday waftiga Madaxweynaha ee shirkadda DP World heshiiska wareejinta Dekedda Berbera kula soo galay magaalada Dubai. Nuqul kamid ah Heshiiskaas oo Wargeyska Yool helay, inkastoo Xukuumaddu aanay Saxaafadda usoo bandhigin heshiiskaas, balse haddana marka la isbarbar dhigo fasiraadaha Xukuumaddu ka bixisay heshiiskan ee Warbaahinta galay iyo arrimaha ku cad qodobada heshiiska, waxa kamid ah in heshiiska labada dhinac kala saxeexdeen waa Somaliland iyo DP World’e, dhanka Somaliland waxa heshiiska Xukuumaddu ku tilmaantay qabyada u saxeexay laba jeer Wasiirka arrimaha Dibeda Dr. Sacad Cali Shire, oo isaggoo metelaaya Xukuumadda Somaliland halka mar labaadna mid kamid ah qoraaladaa uu saxeexay isagoo metelaaya Maamulka Dekedda Berbera. Waxa kaloo, qoraalka ku cad in Shirkadda DP World leedahay awoodda go’aanka kordhinta iyo dhimista tacruufadda Dekedda Berbera iyo Dekeddaha kale, ee ay kamidka yihiin Saylac, Maydh, Ceel-sheekh Iyo Bulo-xaar, waxa iyana intaa raaca in la abuuri doono Shirkad cusub oo Magaceedu noqon doono BPA, taasoo dhali doonta labada xubnood ee dhanka Somaliland ku meteli doona Todobada xubnood ee yaalan doona go’aan ka gaadhista iyo gacanku haynta Dekedda Berber, halka shanta xubnood ee kalena ka imaan doonaan Shirkadda DP World. Qoraalka waxan kale oo ku cad in saamiga dakhliga kasoo xerooda adeega Dekedda 65% Shirkada Dp World qaadan doonto, halka 35%-hadhayna 25% kamid ahna uu ku xeroon doono Shirkadda BPA. Hase-yeeshee 10% soo hadhay sida qoraalka ku cad waxa lagu suntay inuu yahay saami u go’an Kambeni aan magaciisa la sheegin, balse kamid ah saamileyda Shirkadda cusub ee BPA. Arrinka ku saabsan 10%-ka la qariyey cidda leh, waxa Wararka qaarkood tibaaxeen in Kambenigaasi yahay mid uu ku isman yahay Qoyska Madaxweynaha gaar ahaan Wiilka Madaxweynuhu Soddogga u yahay. Teeda kale, arrimaha qoraalka ku cad ee la taaban karo waxa kamid ah, in Shirkadda DP World wajiga labaad ee ballaadhanta Dekedda bilaabi doonto marka 70% uu gaadho wax soo saarka Dekeddu, taasoo ah midaan la saadaalin Karin waqtiga ay noqon doonto, sidoo kale,waxa qoraalka lagu xusay mudada 30-ka sanaadood ee heshiiskani shaqeyn doono in Xukuumadda Somaliland wax heshiis ah oo ku saabsan baddeeda aanay cidna la geli Karin. Qodobkaas oo marka si gaar ah loo eego u muuqda mid Siyaasi ah oo laga leeyahay dano ka baxsan Maamulka Dekedda Berbera, waxana qaar kamid ah dadka Siyaasadda ka fallooda oo Wargeyska Yool waxka weydiiyey qodobka ku tilmaameen inuu yahay xudunta heshiiskani salka ku hayo, isla markaana ujeedada ka danbeysaa ku lug leedahay danaha Dawladda masar oo kuna jiheysan dhinaca Itoobiya iyo Dagaalka dhaam Biyoodka. Waxa kaloo, aqoonyahan aanu arrinka waxka weydiinay sheegeen in heshiiska DP World iyo Somaliland ay soo deedejisay Dawladda Masar, kaddib markii ay is afgaranwaa ka dhex dhacay Dawladda Masar iyo Xukuumadda Somaliland, taa bedelkeeda Dawladda Masar ay bilowday olole ay dawladda Imaaraadka Carabta ku gelinayso suuro gelinta heshiiska Dekedda si marka Dawladda Masar ay ugu dhib yaraato inay Dawladda Itoobiya u hesho dano ay ku cadaadiso, hadii ay dawladda Itoobiya ka tanaasuli weydo Biyo xidheen keeda weyn. Geesta kale, heshiiska qabyadda xukuumaddu ku sheegtay waxa uu dhiggaya in haddii khilaaf ka dhex dhasho Somaliland iyo Shirkadda DP World dacwada arrinkooda lagu eego doono Imaaradka Carabta, balse hadii loo caalwaayo Khilaafka waxa dacwadiisa loo gudbin doona ama geli doonta Maxkamad ku taala dalka Ingiriiska, taasina waa cibaaro kale oo Heshiiskan ku cad, waxa’se isweydiin mudan halka ay Dunida ka dhacdo in dacwad ku saabsan khayraad dal leeyahay lagu qaado waddan kale, iyadoo aanay jirin duruufo iyo asbaabo caqli gal ah oo arrintaa loo cuskaday. La soco qaybo kale oo kamid ah qabyo heshiiska Xukuumaddu ku wareejisay Dekedda Berbera iyo weliba arrimaha la xidhiidha Masiirka shaqaalaha Dekedda Berbera halka uu ku danbeyn doono iyo amniga badda Somaliland.

 

 

 

Xigasho Somalilandlivenews.com