“KHILAAFKA [MAS’UULIYIINTA] WAXA SABABAYA WASIIR LAGA DABA GEEYO WASIIR-KU-XIGEENN AAN QAAB-DHISMEEDKA SHAQADIISU QEEXNAYN

0
286

Gar-yaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, ayaa markii u horeysay ka hadlay Sababaha keena Khilaafaadka inta badan soo kala dhex gala Wasiirrada,

Agaasimayaasha iyo Wasiir ku-xigeennada isku Wasaaradda ah. Cabdisamad Cumar Maal, waxa uu sheegay in waxa keena khilaafka Masuuliyiinta isku Wasaaradda ah ay tahay Sharciga Hay’adaha Dawladda oo sidii la rabay aan u dhisanayn, taasina keenayso inay Caddaan waydo sida ay shaqada u kala leeyihiin Masuuliyiinta Wasaaradaha loo Magacaabaa.

Gar-yaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu awood u leeyahay inuu Magacaabo Masuuliyiinta Xilka ka qabanaya Hay’adaha Dawladda, laakiin loo baahan yahay in Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha ama Wasiiru-dawlaha loo Magacaabayo Xil ay Caddahay Shaqada uu ka qabanayo Wasaaradda loo magacaabayo, si looga baaqsado khilaafka yimaadda marka Wasiir sii joogay Wasaarad laga daba geeyo Wasiir-ku-xigeenka aan qaab-dhismeedka Wasaaradda ku jirin oo doorkiisa shaqo caddeyn.

Gar-yaqaanka Guud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Xeerka kala xadeynta Nidaamka Xukuumadda oo dhaqan-galay Sannadkani wuxuu sheegayaa wixii Masuuliyad ah ee ay kala leeyihiin Masuuliyiinta sare. Waxa keeni jiray in khilaafka caynkaas ahi yimaaddo (Khilaafka Wasiirrada iyo Agaasimayaasha isku Wasaaradda ah)

Masuulka waxa la Magacaabayaa isagoon ku jirin qaab-dhismeedka (Wasaaradda), iyadoo Madaxweynuhu uu awood u leeyahay inuu Magacaabo Masuulka, haddana waa in (Qofka La Magacaabayaa) uu ku jiraa Qaab-dhismeedka (Hay’adda ama Wasaaradda) oo khaanaddiisu sii bannaan tahay (Sharci ahaan) oo waajibaadkiisa shaqo sii jiraan. Haddii Hay’adda oo sii dhisan (Sharci ahaan)

la Magacaabo Masuulka shaqadu Caadi bay noqonaysaa, laakiin meelaha qaarkood waxa innagu dhacda in Qaab-dhismeedka Wasaaradda oo Wasiir uun ahayd (Sharci ahaan) in laga daba-geeyo Wasiir ku-xigeen, iyadoo aanay qeexnayn doorkiisa shaqo..dabadeedna uu Wasiir ku-xigeenku uu shaqadii (iska bilaabo). Waxyaabahaas ayaa dhici jiray (oo khilaafka keenayay), laakiin waxaad Mooddaa in Xeerkaasi uu wax badan Xal u noqonayo.”