Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Eheladii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxay Marxuum Xaaji Shide Xaaji Diiriye.

0
329

Hargaiasa(Ceelgardinews.com)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Xaaji Shide Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday 03.05.2016, magaalada Hargeysa.

Madaxweyne-Siilaanyo

Madaxweyne-Siilaanyo
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo dalkiisa u soo qabtay hawlo badan oo isugu jiray nabadayn, dib-u-dhis, iyo adkaynta wada jirka dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan gobolka saaxil oo uu ka mid ahaa madax-dhaqameedada iyo ganacsatada gobolkaasi caanka ka ahaa. Isagoo intaa raaciyey Madaxweynuhu inuu ahaa dadkii dedaalka badan u soo galay dib u xoraynta dalka iyo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa waasaca ah ugu deeqo, jannooyinkiisa balaadhana dejiyo, Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)