Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu ka mamnuucay muwaadiniinta ka imaanayo dal kasta oo laga soo tebiyay kiisaska cudurka Corona, marka laga reebo muwaadiniinta Kenya u dhashay ee dibadda ka imaanayo iyo dadka heysta degnaanshaha saxda ah.
Wuxuu sheegay in tallaabadan ay dalka ka jiri doonto muddo 30 maalmood ah , haddii loo baahdana waqti dheeri ah lagu dari karo