Sidooo kale, shaqsiyaadkan maanta uu soo abaabulay hoggaanka sarre ee Xisbiga kULMIYE, kana mid ahaa gacan-yarayaashii Muuse Biixi oo ah Musharraxa Xilka Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo maanta keenay inay sheegtaan inay xilal ka hayaan xisbiga kale ee mucaaridka ah ee Ucid. Isla markaana warbaahinta lasoo hor-fadhiistay inay kala yihiinafhayeenka xisbiga iyo sidoo kale, gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Ucid.
Tallaabada fadeexadda ah ee ay ku kaceen masuuliyiinta xisbiga xukuumiga ah ee Kulmiye ayaa markhaati ka ah duulaanka qaawan ee ay ku hayaan xisbiga mucaaridka ah ee ucid oo la doonayo in gabi-ahaanba la baabiyo, isla markaana ay damacsan yihiin inay inay inqilaabaan musharraxa xisbiga Ucid soo saaray, ee lagu doortay kalfadhii goleha dhexee ee xisbiga Ucid.
Si kastaba ha ahaatee, waxa dhacday maanta inay xubno kamid ah golaha dhexee ee xisbiga kulmiye ay sheegtaan afhayeenka xisbiga ucid sidoo kale, ay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee uu kamid yahay gudoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Xukuumiga ah ee kulmiye Jaamac shabeel.