MAXAMED BIIXI YOONIS OO WAR UU SHEEGAY IN LAGA BEEN ABUURAY KA HADLAY

0
317

Hargaysa (Ceelgardinews.com)  Siyaasi maxamed Biixi yoonis oo hore uga tirsanaan Jiray Xukuumada somaliland xilka wasiirka arrimaha dibedana ka soo qabtay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  ayaa war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay warar maalmihii la soo dhaafay lagu baahiyey baraha bulshada kaasi oo sheegaya in   ka fadhiistay siyaasadda isla markaana uu ka baxay garabka uu waqtigan ka tirsanaa ee  Garabka Isbahaysiga Dimuquraadiyad Doonka ah ee Xisbiga Kulmiye.

 

Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sidaasi ku sheegay  qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebooka, kaasi oo u dhignaa sidan: “Dhammaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waan salaamayaa, waxaanan Ilaahay s.w.c uga baryayaa bash-bash iyo barwaaqo inuu siiyo. Marka xiga waxa aan beeninayaa warar aan sal iyo raadtoona lahayn, oo ku soo baxay bar-kulan-nada bulshadu ku wada xidhiidho qaarkood (Social Communication Media Networks). Warkaasi waxa uu sheegayay in aniga oo ah Maxamed Biixi Yoonis, kana mida siyaasiyiintii saluugay afduubkii xisbiga Kulmiye ka dhacay 10. Nov. 2016 ka, in aan ka baxay Isbahaysigii Dimuqraadi-doonka Xisbiga Kulmiye. Waxa aan leeyahay kamaan bixin Isbahaysiga Dimuqraadidoonka Kulmiye, sabab aan uga baxaana meesha mataalo. Wixii aanu saluugnayna waa sideedii oo wax isbadalay ma jiraan. Markaa waxa aan kula talinayaa bahda saxaafadda guud ahaanteed in ay ka waantoobaan wararkaas aan salk iyo raadka toona lahayn ee ay qaar ka mid ahi faafinayaan. Allaa mahadleh, Mawlaha khalqiga.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.