SAFIIRKII RUUSHKA U FADHIYAY TURKIGA ANDREI KARLOV OO TOOGASHO LAGU DILAY MAGAALADA ANKARA

0
231

Safiirka Ruushka ee Turkiga, ayaa nin hubaysan uu ku toogtay magaalo madaxda Turkiga ee Ankara, isagoo booqanaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Shiinaha. Sida uu sheegay TV Ruush ah, safiirka ayaa booqanayay madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay “Ruushka sida ay u arkaan Turkiga”.

Wararka ayaa sheegaya ninka hubaysan in boliiska ay dileen. Video laga duubayay munaasabada ayaa muujinaya Mr Karlov oo jeedinaya qudbo markii ay xabada dhacaysay.

Xigasho: bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here