Shaqadii Dekeda Berbera Ee Mudada Sadexda Maalmooda Utaagneyd Cabaashada Shaqaalaha Muruqmaalka Oo Dib Ubilabantay Xalay Saacadihii Danbe.

0
263

Berbera (Ceelgardinews.com) Shaqadii Dekeda Berbera Ee Mudada Sadexda Maalmooda Utaagneyd Cabaashada Shaqaalaha Muruqmaalka Oo Dib Ubilabantay Xalay Saacadihii Danbe.

 

Shaqaalaha Muuqaalka Dekeda Berbera Ee Raraa Iyo Rigida Oo Afka Qalaad Lagu Yidhaa Stavadorans Ayaa Shaqadii Maraakiinta lagaga Shaqeynaayay Ee Taagneyd Dib Ubilaabay Xalay 11kii Habeenimo Kadib Waanwaan iyo Wada Hadal Madaxtooyada Hargeysa Ku Dhexmaray Madaxda Ururada Muuqaalka Dekeda Berbera Iyo Masuuliyiin Xukumada Kasocda Kuwaas oo uu Hogaaminaayay Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi Iyo Laba Kamida Madaxda Shirkada Dp World Oo Ajinabiya.


Kulankaas Madaxtooyada Hargaysa kadhacay oo aan la sheegin Natiijada Kasoo Baxday Ayaa Tibaxaha Aanu Helay Waxa ay Sheegayaan In Muruqmaalku Dekeda Berbera Loo Ogolaado Waxyaabaha ay Kacabanayeen ee Sababay inay Shaqada Dekeda Joojiyay kuwaas oo ay kamid ahaayeen Lacago xiligii Xukumada Somaliland Dekeda Maamulaysay Laga Goosan jiray Muruqmaalku Si Dhaqaalaha Dawlada Loogu Kaabo Iyo Xuquuqda Iyo Xaqa Ruuxa Shaqaalaha Muruqmaalku ahi Leeyahay Marka Uu Shaqada Ku Dhaawacmo ama Ku Dhintaba Iyo Waliba Qaabka Lacagta Loo Siinayo Markay Shaqada Dhameeyaan oo Ay Dalbadeen In Deg Deg Loo Siiyo.


Ilaa Hada Majiro War Rasmiya Oo Heshiiskaaa Laga Soosaray Hase Yeeshay Saacadaha Soo Socda Ayaa La Filayaa Inay Xukumada Shirkada Dp World Iyo Masuuliyiinta Ururada Muruqmaalku Si Wada Jira Warbaahinta Uga Hadlaan Iyaga Oo Hargeysa Ku Sugan Faahfaahin Dheeraada Ka Bixiyaan Heshiiskaas Lawada Gaadhay Iyo Qodobada Kasoo Baxay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here