Suladaan Ka Mid Ah Saladiinta DHaqanka Ee Somaliland Xukumada Somaliland Xabsiga U Taxaabay Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye

0
236

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Hadaanu nahay Xisbiga Ucid waxaanu mar labaad cambaaraynaynaa Xadhiga sharciga iyo dhaqankaba baal marsan ee loo gaystay Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan oo ka mid ah Masuuliyiinta Sar sare ee Xisbiga Ucid.

14184302_665163643634031_7747113624752474018_n

Waxaan cambaaraynayaa Xadhiga Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo maanta ciidamada Boolisku saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa u taxaabeen. Xadhiga Suldaanka ayaa waxa lay xaqiijiyay inay ka danbeeyaan Xisbiga Kulmiye oo kaashanaya Taliye ku xigeenka RRU da oo amarka bixiyay. Waxaanu daba socdaa Xadhigani shirqooladii lagu carqaladaynayay Saladanada Subeer Awal.

Iyadoo dhowr bilood ka hor koox siyaasiyiin ah oo taabacsan Gudoomiyaha Kulmiye ay Suldaan Waraabo u taag ah ku abla ableeyay Hargeysa,

Isagoo joogo Suldaankii Guud Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye. Tan iyo waqtigaa Kulmiye sameeyay Suldaanka dabo keenka ah waxa taagnaa khilaaf gaar ahaan qoyska reer suldaan dhexdiisa ah iyagoo isku dayay inay ku qanciyaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan inuu ka noqdo cumaamadan Kulmiye u galiyay kana dhaga adaygay Adeerkii Aadan oo nasteex u ahaa ayaa si waalidnimo ula hadlay markuu joogsan waayay ayuu u leeyay mar haduu halkii aabihii ugu jiro. Isagoo ka damqaday burburinta, magacxumada iyo dhaawaca Saldanada.

Hadaba Shirqoolkii Saldanada Subeer Awal wuxuu marayaa in Aadan Suldaan Cabdiraxmaan oo Adeer Ruma u ah Suldaanka Kulmiye caleemasaaray maanta xabsiga loo taxaabo. Waa dhacdo ugub inagu ah in qoys inan iyo adeerkii laysku xidho ( inan iyo waalidkii/ aabihii).

Waxaana lagu haystaa maxaad u taageeri wayday suldaanka Waraabo u taaga ah ee Kulmiye samaystay. kala jabinta iyo iska horkeenka qoyska reer Suldaan ayaa ah talaabo hor leh iyo dagaal siyaasadeed oo lala beegsanayo Saldanada Subeer Awal.

Hadaanu nahay Xisbiga Ucid waxaanu mar labaad cambaaraynaynaa Xadhiga sharciga iyo dhaqankaba baal marsan ee loo gaystay Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan oo ka mid ah Masuuliyiinta Sar sare ee Xisbiga Ucid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here