Wakaalada biyaha berbera waa xafiis 24-sacadood shaqeeya

0
313

Qore: aqoonyahan Maxamed Saleebaan Yaasiin Deer

“Goor dhawayd baa gaadhi xamuul ahi uu qasabadii biyaha noo keenaysay naga jaray. Biyo la,aan lama jooji karo Berbera daqiiqadna Alle ha ka yeelee. Xiligaas baan isku sii daayey Wakaalada Biyaha Berbera Waxa aan aaminsanaa in aanay suurogal ba ahayn in xiligan aan ugu tagi karo shaqaale, sidoo kale in aanay suurtogal ahayn in waqtigan ay wakaaladu shaqaynayso. Balse waan isku sii daayey, maadaama aan hubay in barri aanan u helayn waqti aan ugu tago wakaaladda, sidoo kale aan la biyo la,aan karayn caawa iyo berritoona.

Nasiib wanaag waxa aan ugu tagay shaqaale heegan ah oo waqtigaas i soo raacay. Shaqaale gudanaya waajibaadkiisii shaqo. Ducaale Faarax, oo magaciisa iigu sheegay ninkaas shaqaalaha ahi markiiba soo raac iina xidh qasabadii go’day. Wax aan ugu mahadceliyo garan waayey aan ahayn, “Kumanaan mahadood korkaaga ha ahaato walaal.”

Sida xaqiiqdu ay tahay, goob shaqo ay taalo kama soo hadho masuulka u sarreeyaa siduu shaqada iyo shaqaalaha u qorsheeyo Dawlad Abdi Looliye una abaabulo. Waan sababta aan halkan sida weyn aan ugu bogaadinayo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera.

Waana sida ay bulshadu uga baahantahay masuuliyiinta madaxda ka ah goobaha bixiya adeega bulshadu inay tusaale wanaagsan oo ku-dayasho mudan ay ka dhigtaan maareeyaha wakaaladda biyaha Berbera.

Mohammed Haddara
Berbera, somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here