” Warqad Furan Oo Ku Socota Wasiir Sheekh Khaliil ” Maxamuud Axmed Baarcad

0
362

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA WASIIR SHEEKH KHALIIL CABDILAAHI
………………………………………………………………………………………………………
Mudane wasiir Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed sidaynu ognahay waxaynu nahay ummad 100% Islaam ah waxa inoo dhaqan iyo caadoba ah wuxuu Alle ina faray, Bulshada reer Somaliland waxay ku dhagan tahay dardaaranii xabiibkeena Muxamed SCW ee ahaa in sunihiisa la raaco iyo sunihii Khulafadii ka danbaysay ( Calaykum bi sunatii wa sunatu khulafaa’u raashidiin), sidoo kale Ummada Nabi Muxamed SCW waxay yihiin kuwa ugu khayrka baddan ummaduhuu Alle SWT abuuray waayo khayrkana way is faraan xumaantana way iska reebaan.

Maadaama aad tahay sheekh noo qaabilsan oo nooga masuul ah arima Diinta aqoon xeel dheerna aad u leedahay cilmiga Diinta waxaan jeclaystay inaan kula wadaago Hudheelo waayadan danbe inugu soo batay oo habeenkii ay ku caweeyaan Rag iyo Dumar aan kala soocnayn ku waasoo ilaa salaada subax fadhiya kuraasta iyo qololka hudheeladaas oo aan mid iyo labatoona ahayn laakin aad u soo batay, dhalintaasi dhaqan ahaan waa qaar baal marsan sunaha labiska haboon ee diinteenu inoo jidaysay tusaale ahaan Habluhu waxay xidhan yihiin maryo aan si fiican u asturayn cawradooda oo ama ku dhajisan ama qayb jidhkooda ka mid ahiba ay muuqato halka wiilashuna ay dhaqan kale xanbaarsan yihiin, cawayskaas Mudane Wasiir waxa hoos socda kolay afcaal aan fiicnayn iyo ficilo aan ina anfacayn oo dhalinyaro kala jinsi ( Lab iyo Dhadig) meel isugu yimi muxrimna aan isu ahayn oo waqti badan habeen walba goob ku wada qaadanaaya waa la garan karaa maxsuulka ka soo bixi kara iyo siday isugu milmi karaan.

Xaaladaha noocaas ah hadaan laga hor tagin waxa ka dhalan karta cadho iyo ciqaab Alle inoo ina dhaxalsiisa inuu naxariistiisa inaga fogeeyo ama aynu ku halaagsano Aakhiyo iyo Aduunba, waxa waajib ina wada saaran ah inaynu isku baraarujino hadba wixii xumaan iyo xaaraanba loo arko si aynu u liibaano oo raali ahaanshaha Alle aynu u helno, Mudane Wasiir waxaan kuu soo jeedinayaa inaad arimahaas hoos u eegto oo aad ka hawl gasho goobahaas lagu caweeyana aad il gooni ah ku hayso hadba wixii Diinta Suuban baal-marsana aad ka joojiso anana waanu kugu garab galaynaa Alle agtiisana ajar iyo xasanaad ayaad kaga helaysaa dalka iyo dadkuna way inoo barakoobi hadaynu awaamiirta Alle qaadano oo xumaanta iska reebno wanaagana is farno..

Maxamuud Axmed Baar-cad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here