WAX KA BEDDEL LAGU SAMEEYAY XEERKA DIWAANGELINTA IYO GUDDOOMIYE CIRRO OO SHEEGAY INAANU JIRIN WER-WER LAGA QABO DIB-U-DHAC DOORASHO

0
292

Hargaysa (Ceelgardinews.com)  Golaha Wakiilada ee Somaliland, ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodob ka mid ah xeerka doorashooyinka Somaliland ee 2017-ka ka dhici doonta dalka.

Xeerka wax laga beddalay ayaa ah in Guddiga Doorashadu ay soo saaraan liiska Kama Dambeysta ee cod-bixiyeyaasha lix bilood ka hor xilliga doorashadu dhacayso, waxaana lagu beddelay in Liiska kama Dambeysta ee Cod-bixiyeyaasha lagu diyaariyo Lix Bilood gudahood.

Fadhi uu yeeshay Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey dalabkii Madaxweynaha Somaliland ee ahaa in Wax laga beddelo Qodobkii ahaa in Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha lagu diyaariyo Lix Bilood gudahood, halkii uu hore uga ahaa Lix Bilood ka hor Doorashada in lagu Diyaariyo.

Fadhiga oo ay ka soo xaadireen 59 Xildhibaan, ayaa waxa wax ka beddelka Qodobkaasi ogolaaday 55 Mudane, waxaana diiday Saddex Xildhibaan, halka aanu Guddoomiyuhuna aanu Codeynin, waxaana sidaa ku dhaqan-galay wax ka beddelka lagu sameeyay Xeerka Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, kaasi oo Shir-Guddoonka Golaha Wakiilladu u gudbiyey Madaxweyne Axmed-Siilaanyo si uu u saxeexo oo uu u noqdo Dhaqan-gal.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Ansixinta ka dib u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa yidhi, “Waxaad ka war-qabtaan in la hakiyey Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Muddo Bil ah, sidaa daraadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si aan doorashadu dib ugu dhicin wuxuu soo jeediyey in Xeerka Diwaangelinta wax laga beddelo, isagoo yidhi Qodobkii ahaa Liiska Kama dambeysta ah Diwaangelinta Cod-bixiyeyaashu ha soo baxo Lix Bilod ka hor (Doorashada), markaa si loo kabo wuxuu Madaxweynuhu soo jeediyey in Lix Bilood gudahood laga dhigo, halkay ka ahayd Lix Bilood ka hor, taasi oo Komiishanka Siinaysa Xorriyad ah inuu Liiska ku soo saaro Xilliga ku Munaasibka ah.”

Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay in aanay jirin wer-wer ah in doorashadu dib u dhacdo, “Dadka waxaan u sheegayaa Hadduu Komiishanku u baahnaa Hal Bil inuu helayo Lix bilood, markaa wakhti laga wer-werayo Dib-u-dhac doorasho meesha wuu ka baxayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Diwaangelinta Cod-bixiyeyaashu ku muddeysan tahay inay Gobolka Maroodi-jeex ka bilaabanto 2-da bisha May, Ramadaantana la nasan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here