Waxa aan maanta daahfuray tababar aqooneed loo qabtay cuqaasha iyo madaxda dhaqanka ee saddexda gobol Awdal, Maroodi Jeex iyo Saaxil

0
323
Waxa aan maanta daahfuray tababar aqooneed loo qabtay cuqaasha iyo madaxda dhaqanka ee saddexda gobol Awdal, Maroodi Jeex iyo Saaxil. Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Dalladda guud ee Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF ayay ujeedadiisu ahayd sidii cuqaasha loogu tababari lahaa hababka casriga ah ee xalinta khilaafaadka iyo nidaamka dawliga ah.
Cuqaasha iyo madax dhaqameedku kaalin muhiim ah ayay ka soo ciyaareen dhidibbo u taagiddii nabadda sugan ee Somaliland ku naaloonayso iyo yagleeliddii dawladnimada Somaliland.
Wakhti xaadirkanna Cuqaasha iyo guud ahaan madax dhaqameedku waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan ilaalinta iyo kobcinta nabadda Somaliland.
Maanta adduunka casriga ah waxa la isku raacsanyahay in ay lagama maarmaan tahay in la helo habab aan maxkamad toos ah ahayn oo lagu xaliyo khilaafaadka soo dhexgala umadda meel ku wada uuman (Alternative Dispute Resolution Mechanisms), waayo suurtagal noqon mayso in khilaaf kasta oo aadmiga soo dhexgala heerkuu doonaba ha ahaadee in lagu xaliyo nidaamka maxkamadaha. Arrintani waxa ay marlabaad muhiimad usii yeelaysaa kaalinta lagama maarmaanka ah ee madax dhaqameedku kaga beeganyihiin Mujtamaca Somaliland.
Mar haddii doorka madax dhaqameedku lagama maarmaan noqday, waxa ay SONSAF ku dedaalaysaa in la casriyeeyo habka uu u shaqeeyo madax dhaqameedku si uu ula jaanqaado nidaamka dawladnimada ee casriga ah. Islamarkaana garsoorka dhaqanka laga saaro waxkasta oo xad-gudub ku ah diinta iyo akhlaaqiyaadka wanaagsan.
SONSAF waxa ay tababar kan oo kale ah hore ugu soo qabatay saddexda gobo lee Sool, Sanaag iyo Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here