» Xildh. Siciid Oo Sheegay In Somaliland Xaalad Adag Gashay Intii Xukuumaddani Talada Haysay Iyo Xildh. Jirde Oo Ka Digay In

0
232

Hargaya (Ceelgardinews.com) Guddoomiyaha Guddida Shuruucda, Dastuurka iyo Garsoorka ee Golaha Wakiilada Siciid Cilmi Rooble iyo xildhiban Cabdiqaadir Jirde oo ah guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani ayaa xukuumadda u soo jeediyay dhaliilo kala duwan, waxaanay sidoo kale ka hadleen is casiladda Cabdiraxmaan-cirro ee shirguddoonka golaha wakiilada.

Xildhibaan Siciid

Guddoomiyaha Guddida Shuruucda, Dastuurka iyo Garsoorka ee Golaha Wakiilada Siciid Cilmi Rooble,  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey labada Xisbi ee Waddani oo uu hadda ka tirsan yahay iyo Kulmiye oo uu hore uga tirsanaa, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya is casilaada Cabdiraxmaan Cirro ee Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, “In badan baa la lahaa muxuu Cirro meesha ka gurayaa, in badan baa la lahaa muxuu Cirro u tagi waayey, maanta ayuu ILLAAHAY qadaray inuu meesha ka tago, ILLAAHAY baa horta deeqda bixiya, laakiin qaabka uu u hadlay, qaabka loo dhegaystay, qaabka uu umadda wax u fahansiiyey, qaabka uu Golihii u badbaadiyey, qaabka markii uu soo baxay loogu xoomay, qaabka looga hadhi waayey, wuxuu dareenkaasi I tusayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro uu yahay Madaxweynihii mustaqbalka, kadeed baynu soo marnay dhibaato ayeynu soo marnay, anigu wax badan baan maqlanay, wax badan baa awliyada laga sheegay, Madaxweynaha shanaad waa la sheegay, waxaan filayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro uu ku tilmaaman yahay, waxa muuqata inaynu ilaabi doono wax alaale wixii cunsuriyad ina soo maray”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo muddo xilkeedka xukuumaddan ayaa yidi “Somaliland kadeed wuu u dhammaaday  markii la bam-garaneeynayey, waxa ku xigay todobadaas sanno ee Kulmiye ina haystay, waxba inoomay hadhin aakhiro ayeynu u dhaadhacnay, Xisbiga Kulmiye markii uu ina qabsaday, roob wada jiriqaaya ayaa ina helay, maalinta uu Cabdiraxmaan Cirro yimaado Kursiga  haddii uu la socdo Roob la dhacii casaa, oo uu la socdo balan-baalistii, waa kii inagu hogaaminayey horumarka, haddii uu jiriqaa yeesho maan sheegin, ee ALLE jiriqaa kama dhigee, maalintii uu Kulmiye helay jiriqaagii inagu bilaamay, waa kaas ina cunayaa, ee wax kasta dhamayey”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu ka hadlaayey Qabyaalada wuxuu yidhi “Qabyalaada uf baynu nidhi, ee ninoowna ha jeclaan, waxaana leeyahay Qabyaaladi ha dhacdo, wakhtigii hore ee aanu Kulmiye ahayn waxaanu nidhi waxaanu u baahan yahay is bedel, laakiin maanta waxaanu nidhaahna is bedel khayr qaba ayeynu u baahan nahay, Guddoomiyaha ayaana taasu nagu hogaamiyaa, ee waxaan leeyahay dadka rajo fiican laabtiina galiya”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu is barbar dhig ku sameeynayey labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ayaa yidhi “Xisbigayga Waddani waa Xisbigii danyarta, anagu burjuwaasi ma nihin, nimankan xoolaha dam ka siiyey ma nihin, islaanta halkaas fadhida ee iskuulka u weyday inamadii, dadkaas maatida ah, dadkaas la tuuray, ee kadeedan, ee jingadahoodii sidaas loo xaaqayo, kuwaas ayaanu anagu Madaxweyne u nahay, kuwaas ayaanu soo kicinaynaa, sidan Ingiriiska, Xisbiga Laybarka ayaanu nahay, kuwani (Kulmiye), waa  Ribablikaanka (Republic), waa kuwa wax walba qaata, qaar badan baa yidhaahda maxaad ku kala duwan tihiin, sidaas ayaanu ku kala duwan nahay, Kulmiye waa Xisbigii Burjawaasiyiinta, anaguna kii danyarta ayaanu nahay, ILLAAHAYNA ha inoo dooro, Doorasho khayr lehna ha inoogu dooro”.

Xildhibaan Jirde

Geesta kale Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,ayaa ka hadlay dhibaatada sicir bararka ee muddooyinkii ugu dambeeyey dalka ka jiray iyo is casilaadda Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Is casilaada Guddoomiyaha arin la filaayey ayey ahayd, wakhtigii ku munaasibka ahaydna wey timid, Golahana wuu ka codsaday, waana laga aqbalay, marka imika nidaamkii ayaa bilaabmaya, ninkii xilkaas doonayaana arji ayuu soo qoranayaa, uu Xoghaynta keenayo Shir guddoonka gaadhaya, haddii uu xubin Shir guddoon yahay oo uu xil hayana, xilkaas ayuu iska casilayaa, marka qofka ku tartamaya, isagoo shir guddoonkii uu hayey iska casilay, ayuu tartamayaa, haddii uu Xildhibaan caadiya yahayna, liis buu soo gudbinayaa”.

 

Mar aanu wax ka weydiinay is casilaada Cabdiraxmaan Cirro iyo Sharcigu wuxuu ka qabo ayaa ku jawaabay“Xeerka ayaa tilmaamaya wakhtiga uu ka tagaayo, wuu joogi karayey imika, oo xeerku ma odhanayo ka kac, xeerku wuxuu odhanayaa lixdanka maalmood markay Doorashada ha hadhsan tahay ayuu is casilayaa, laakiin wuu ka sii horeeysiiyeyba, markaas haddii uu isku dhejinayo bil iyo badh kale ayaa u hadhay”.

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararku waa wax hawlo badan, waxaanu ku xidhan yahay Baanka dhexe oo shaqadiisa la wareega, Baanka Dhexe imika shaqadiisi dad kale ayaa haya, Hay’addo kale ayaa haya, Shirkado kale ayaa haya, oo Dawladdu kula shuraakoowday, ee waa in Baanka Dhexe shaqadiisi loo soo celiyaa,Baanka Dhexe isaga ayaa lacagta Somaliland ilaaliya, oo wixii lacag ah ee baxaya, wixii soo galaya iyo wixii lacag ah ee suuqa lagu soo daynayo, isaga ayaa gacanta ku haya, wixii doolar ah ee Dawladda u soo xaroodana waa inay isaga ku dhacdaa, balse wixii Doolar ah ee Dawladda u soo xarooda meelo kale ayuu ku dhacaa, taasina waa sharci daro, in sicir bararka xal loo helana wax ka kow ah in Baanka Dhexe shaqadiisi loo daayo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here