XOGHAYAHA DAWLADA HOOSE EE BERBERA MASUUL U HAGAR BAXEY GOOBTII UU KU BARBAAREY KANA DHEER QABYAALAD IYO DIBU DHAC Qalinkii (Khadar Maxamuud Axmed Khadar_11@hotmail.com)

0
285

Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Magaalada Berbera Aqoonyahan C.Kariin Aden Cadde Waa Masuul  Koobsadey Astaamaha Hogaamineed, sidoo kalena ku Sifoobey Karti,Aqoon,Xilkasnimo, Cadaalad,Debecsanaan,Hal Adeyg,Geesinimo,Dulqaad,Hal Abuurnimo, iyo Waayo Aragnimo Shaqo,Islamarkaasina Bulshadu ku Majiirato Xilkasnimo ay Daacadnimo u Weheliso,waxaana Shacabka Reer Berbera Ay siweyn U soo Dhaweeyeen Magacaabistisii Xilka Maanta uu ka hayo Degmada Berbera isagoo Wax badan ka Qabtay Adeegyada Ay Dawlada Hoose ee Berbera  u Fidiso Bulshada.

Xoghaye C.kariin Aden Cadde Waxa uu Waxa Badan Ka Qabtey Baylahdii iyo Habacsanaantii Shaqada iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose Berbera isagoo ku Guuleystay inuu noqdo Mishiinka Dhaqaajiya Shaqada Dawlada Hoose u Fidiso Bulshadeeda, islamarkaasina Xafiiskiisa Ama Shaqada u Heegana Saacado ka Badan inta ay Shaqeyaan Masuuliyiinta Somaliland,isagoo u dhinaca Socodsiinta Shaqada Goor kasta iyo Xili kasta

Xoghaye Cabdikariim Aden Cadde Waxaa uu Waxa Weyn ka Qabtey Jaangoynta iyo Socodsiinta Hawl maalmeedka Shaqo ee Bulshada ay u Fidiyaan Maamulka Dawlada hoose Ee Berbera,waxaanu Hiil u noqday Danyarta la tabcaan saneyd Adeegyada Dawlada Hoose ay u Fidiso Bulshada isagoo soo  Af jarey Muranadii iyo Cabashooyinkii ka Taagnaa Adeegyada Bulshada haddii ay Tahay dhinaca Nadaafada oo uu Kor u qaadey,islamarkaasina uu Heegan galiyey Shaqaalihii Waaxda Nadaafada iyagoo Ollole Balaadhan ku qaadey Dhamaan Goobaha Khashin qubka oo Markii hore uu ku Daahi Jirey Khashinku.

Haddaba Masuulkan oo ka Dheer qabyaalad iyo Qaraabo kiil Bulshada Somaliland Dib u dhigey ayaa Bulshada Reer Berbera ay u Tilmamaan Masuul Aan Hagran Goobtii uu ku Soo Barbaarey sidoo kale la Odhan karo waxa uu Hordhac u yahay Horumarka Magaalada Berbera Higsaneyso oo la Filayo inuu Dhabaha u Jeexo Majarihiisu

Khadar Maxamuud Axmed
Khadar_11@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here