Ganacsade cumar Caydiid oo Ganacsade Jaar ay yihiin Soo Weeraray dhibatooyina Soo Gaadhsiiyay Meheradi Ganacsadaha Kale

0
361

MULKIILAHA TIYAATARKA HARGAYSA OO BOOB KU WADA WALI HANTI AANU LAHAYN
……………………………

Ganacsade Cumar caydiid Axmed waa Mulkiilaha dhisanaaya Tiyaatarkii qaranku lahaa ee Caasimada Hargaysa ku yaalay, isagoo markii hore sifo qaylrul sharci ah ku qaatay hantidaa ma guurtada ah ee dhamaan reer Somaliland ka dhaxaysa ayuu hadana tan iyo intuu bilaabmayba hantidadaad, hanjabaad, hanti burburin iyo tacadi ku hayaa muwaadiniinta meheradaha ku ag dhaw leh, dad hore ku wax yeeloobay shaqaaqo uu Cumar ma masuul ka ahaa oo tiraba dhawr jeer ka dhacday dhismaha Tiyaatarka isagoo ciidamo iyo hum u gaara u samaystay boobka hantida aanu lahayn.

Maalintii shalay ahayd ayaa wuxuu cumar caydiid shaqaale iyo cagafcagafyo u diray wado u dhaxaysa tiyaatarka iyo dawlada hoose wadadaas oo uu cumar damcay inuu baarkin uga dhigo tiyaatarka ummadii isticmaali lahaydna ka xidho, muwaadin kaalinta Somaliland ee ku xigta leh waa Dheereeye ayuu si badheedha u dumiyey qayb ka mid ah kaalintiisa isagoo dhaqaalihii kaalinta iyo mulkiilihiiba hub iyo budad ku soo weeraray qaar ka mid ahna dhaawacyo soo gaadhsiieyey kuwaas uu uu dheereeye ku jiro.

Iyadoo xaal sidaas yahay ayaa hadana waxa galabta xabsiga loo taxaabay muwaadinkii dhibta maal iyo nafba leh loo gaystay, ganacsade Cumar caydiid sanado ka hor ayaa dalka jabuuti laga soo caydhiyey sababo la xidhiidhi qaabkiisa ganacsi oo khaldan awgii Somaliland ayuu khalkhalkaa la soo galay isagoo mar walba rasaas ka dhex rida caasimada Hargaysa…

Maxed Axmed (Free Journalist )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here