Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka mida Aqoonyahankii dhaliyey Guusha Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay warar laysla dhex marayey baraha bulshada oo kusaabsanaa inuu xil wasiirnimo ka doontey Madaxweyanaha Cusub .

0
360

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka mida Aqoonyahankii dhaliyey Guusha Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay warar laysla dhex marayey baraha bulshada oo kusaabsanaa inuu xil wasiirnimo ka doontey Madaxweyanaha Cusub .

Isagoo ka hadlaya wuxuu bartiisa Facebooka soo dhigey sidan :-

” Imtixaankan iyo amakaagan eega ! anigu dalka umaan iman inaan wasiir ka noqdo , manaan doonan xil ,  kii aan doontay iyo murashaxnimadiina wixii ka dhacay waad wada ogsoon tihiin.

Marnaba taladda iigumay jirin inaan Taageerada aan Muuse u jeediyey aan Wasiir ku doonto Waxaanan ku faraxsanahay in aniga iyo , taageerayaashaydii aanu door weyn ka ciyaarnay guusha Madaxweynaha la doortay Ilaahay baa marwalba ii suurtogeliya in aan dhinaca guusha la socdo, hadday tahay inay UCID xisbi u soo baxdo iyo in Kulmiye madaxweynaha ku guuleysto.

Siyaasadda waan u da’ yarahay Mustaqbalka inshallah , imikana waaya aragnimo weyn Oo aan caalamka ka soo helay intii aan xoogayga ku shaqaysanaayey waxay ii saamaxday inaan ku darsado waaya aragnimo dalka gudahiisa ah. Waxaan hanbalyeeynayaa golaha wasiiradda cusub, Ilaahayna hawsha haw fududeeyo , madaxweynaha cusub aynu taageerno.

Dadka waaweyna wakhtigooda ha ka fasiidaystaan oo yaan lagu mashquulin Hebel Wasiir Ma noqon iyo wuu noqday , dadka qaar Waxay rabaan inay dalka si kale wax Ugu taraan.”

Guul iyo gobanimo

Jamal Ali Hussein

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here