Hirdan Iyo Is Garbin Ka Dhex Aloosan Kooxo Dilaaliin Ah Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ka Ag Dhawaa Wakhtigii Doorashada Iyo Arimaha Ay Isku Haystaan

0
312

Hargeysa ( Ceelgardinews.com )-Iyadoo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu mudo yar oo aan Afar bilood gaadhin uu hogaanka dalka hayay ayaa durba waxa isasoo taraya dhacdooyin yaableh oo ay caan ku ahayd Dawladii ka horaysay kuwaasi oo Umadda Nacsiiyay Dawladnimadda islamarkaana macno kale u sameeyay Hanaanka hogaamineed ee la iskaga dambeeyo ee Somaliland oo ku qotonta in hadba kii yimaadaa uu uga faa’iideeyo dhaqaalaha Umadda inta ku xeeran ama ku xidhan Madaxtooyadda.

Image may contain: 1 person

 

Xogo layaableh ee Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday inay durba samaysmeen kooxo dhalinyaro ah oo ka mid ah Dhalinyartii ku xidhnayd Madaxweyne Muuse Biixi wakhtigii oloha kuwaasi oo ku loolamaya islamarkaana Borotan ugu jira inay kooxiba kooxda kale kaga awood roonaato oo ay kasbato islamarkaana ay hanato dhawr mashruuc oo dhaqaale laxaad lihi kujiro,Mashaariicdaasi oo u badan Qandaraasyo gaadiid iyo kuwo dirayska Ciidanka ah,waxaana durba soo shaac baxaya is qab qabsi iyo Muran Xoogan oo dhalinyartan ka dhex aloosan oo ku saabsan mashaariicdaasi iyo cida ugu dhaw inay Ku guulaysto oo ku tiirsan hadba sida ay ugu xidhan yihiin madaxtooyadda iyo Madaxweynihii ay la soo wada shaqeeyeen.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo hor dhac ah ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay inay ka mid yihiin mashaariicdaasi ay kooxahani ku loolamayaan Mashruuca Dirayska Ciidan oo la sheegay inay ugu dhaw yihiin inay ku guulaystaan saddex nin oo la sheegay inay hayb ahaan kuwa kale uga dhaw yihiin dhinaca madaxtooyadda islamarkaana ay sidoo kale awood kale isticmaalayaan. Waxa kale oo ku jira Gaadiidka Cad cad ee V8-da loo yaqaan oo wararka qaar ay sheegayaan in mashruucaasi lagu kala tagay oo cidi qaadatay islamarkaana hordhacoodii gaadiidkaasi ay wataan Madaxda Hay’addaha Dawlada,qaarna ay ka mid yihiinba Gaadiidka Madaxtooyaddu isticmaasho. Xogaha kale ee Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in mashaariicda ay kooxahani isku hirdiyayaan ay ka mid tahay Mashruuca Timirta Ciidamada la siiyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan e fooda inagu soo haysa,wallow ay wararka qaar sheegayaan in Mashruucaasi cid la siiyay oo lagu kala tagay sida ay Gudida Qandaraasyo u sheegeen dad danaynayay oo tagay Xafiiskoodka,iyagoo si cad u sheegay in Mashruucaasi la qaatay.

Dhaqannada noocan ah iyo in cid gaar ah oo madaxtooyadda ku xidhan ama loolankii doorashada madaxtooyadda Xisbiga la soo shaqayso lagu naasnuujiyo ayaa waxa lagu yaqiinay Xukuumaddii Kulmiye ee hore ee uu hogaaminayay Axmed Siilaanyo waxaanay bulshada Somaliland gaar ahaan inta dawladnimada fahamsani aad ugu rajo waynaayeen in raadkaasi la tirtiro oo meesha laga saaro,Waxay sidoo kale aaminsanaayeen inaan Xukuumadda Muuse Biixi laga fili Karin talaabooyinka Noocaasi ah ee Umadda Nacsiiyay Dawladnimada. Waxa ay Xukuumaddii hore Mashaariic gaar ah dad gaar ah kunaas nuujisay boqolaal adeeg oo xukuumadda dhaqaale ka soo gali jiray oo ka mid ahaa adeegyadii Hay’addaha dawladu qabanayeen waxaanay taasi keentay iyo Xukuumaddii hore musalafto oo dhaqaale la’aan waajahdo. Waxaa arimaha noocaasi ah fududeeya dadka ku xeeran Madaxweynaha ee gacan yaraha u ah iyo kuwa ay hayb-wadaagta yihiin ee hoos joogga.

Sikastaba hanoqotee waxa jira dad gaar ah oo dan gaar ah wata islamarkaana Xisbiga Kulmiye ula soo shaqeeyay inay ka xoolaystaan balse waxay taasi ku xidhan tahay hadba hanaanka ay Madaxtooyaddu u shaqayso.

 

 

 

Source:- Wargeyska Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here