“Ma Aqoonsanin Somaliland, Xidhiidhna Lama Lihin Heshiiska Dekedda Berberana Xasan Sheekh Ayaanu Kala Hadalnay” Imaaraadka Carabta.

0
303

(BRA-Dubai)-Dawladda imaaraadka carabta ayaa waxay sheegtay in aanay Somaliland wax xidhiidh ah la lahayn isla markaana ay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya.

Anwar Qarqaash, wasiiru dawlaha arrimaha dibadda imaaraadka carabta ayaa sheegay in aanay xitaa qunsuliyad ku lahayn Somaliland isla markaana heshiiskii dekedda Berbera ay la gashay dawladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Anwar Qarqaash oo u waramay BBC-ada qaybteeda afka Carabiga ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in khilaafka Somalia iyo Imaaraadka lagu dhameeyo wadahadal iyo is afgarad.

Xukuumadda Somaliland ayaan wali ka jawaabin hadalkan ka soo yeedhay dawladda Imaaraadka oo ay wakhtiyadii u dambaysay isku soo dhawanaayeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here