MAXKAMADDA GOBOLKA SAAXIL OO GO’AAMISAY XARAASHKA GAADIID IYO QALAB CULUS OO SHIRKADII LAHAYD LAGU YEESHAY DEYN KU DHOW 200.000 $

0
543

MAXKAMADDA GOBOLKA SAAXIL  OO GO’AAMISAY XARAASHKA  GAADIID IYO QALAB CULUS OO  SHIRKADII LAHAYD LAGU YEESHAY DEYN KU DHOW 200.000 $

Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa dhowaan Xukun xaraash ah ku riday  (7 )Todoba kamid ah Gaadiid isugu jiray Cagafyo, Wiishash  iyo  Qalab kale oo ay  iska lahayd Shirkad lagu Magacaabo Building  Alliance Corp BA. Oo ay in mudo ah udacwadi u dhaxaysay Shirkad kale oo fadhigeedu yahay Magaalada   Berbera   laguna Magacaabo Al Baraari General Trading  Company. Sida ku xusan qoraal kasoo baxay Maxkamada Gobolka Saaxil oo sumadiisu tahay MGS/DFL/013/018,  kuna saxeexan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil Xamse C/laahi Xirsi iyo Kaaliyaha Maxkamada Ibaahin Cali Cilmi (Daray)

Waxaana qoraalkaasi lagu sheegay in Maxkamada Gobolka Saaxil  markay aragtay Xukunada kala ah 1-Xaashida Heshiiska Nootaayada Suleymaaniya Puplic Notary  ee 11/12/2017 laguna heshiiyey mudo dhan 40 Cisho gudahood  in lagu bixiyo deynta dhan ($196.963) Doolar Boqol Sagaashan iyo Lixkun Sagaal boqol lixdan iyo Sadex Doolar,  iyo in loo hayo Gaadiid u dhigma Qiimahaas

Markay Aragtay Qaraarka maxkamada ee ku suntan MGS/DML/75/2017 kuna Qaraarisay in lagu  dhaqmo heshiiska kor ku xusan lacagtana lagu bixiyo mudo dhan 45 Cisho gudahood

Markay aragtay codsiga fulinta loo fuliyaha ee 29/01/2017, Ujeedadiisuna ahayd in loo fuliyo xukunada kor ku xusan maadaama ay dhamaaday (45) casho ahayd

Markay aragtay Qaraarka digniinta fulinta ah ee sumadiisu tahay MGS/DFL/013/2018, ee 11/12/2017 lagu siiyey lagu fuliyaha (40) Afartan casho oo ka bilaabanta 12/2/2018

Markay aragtay in dacwadani u bislaatay fulin xoogan kuna dhaqanta Qodobada 398 ilaa 416 waxay xaraashtay Gaadiidka kala ah

  1. Caterpillar Roller NO 84051 SL
  2. Hanomag 60ENO 84028 SL
  3. Catloder966E    NO 84021 SL
  4. Ceterpillar 9888 B NO 84011 SL
  5. Scania WichNO 84008 SL
  6. Iskar feeteril Excevator NO 84050 SL
  7. Rugter BigNO 83997 SL

Qoraalkaasi oo gabagabadiisii lagu sheegay in wixii faahfaahin dheeraad ah  laga heli karo ama lagala xidhiidhi karo Kaalinta Maxkamda Gobolka Saaxil Berbera, dhinaca kalena go’aanka ay soo saartay Maxkamada Gobolka ayaa noqonaya  kii ugu weynaa  ee mudooyinkii u dambeeyay hanti cadadkeedu intaasi dhan yahay lagu xukumo, Qaab  sharciga waafaqsana loo  xaraasho si hantidaasi ugu noqoto gacanta Dadkii deyntu ku lahaa Shirkadaasi, waxaana go’aankan si weyn usoo dhoweeyey Bulsho  badan oo Xog  ogaal u ahayd arintan,  dhowrkii sanadood ee dambeeyayna  Muwaadiniin badan  ayaa  hanti badani kaga luntay macaamilka dhexmara Shirkadaha  mashaariicda  kala duwan ka fuliya Gudaha Somaliland oo qaarkood yihiin Shirkado shisheeye,  waxaana caqabad ku noqota Muwaadiniintaasi sidii ay u heli lahaayeen Deynta ay siiyaan Shirkadahaasi waxaana xaaladu kusoo ururtaa Dacwad  mudo dheer layskula jiro Maxkamadaha. Hadaba qaraarkan kasoo baxay Maxkamada Gobolka Saaxil oo ku taariikhaysnaa 28/3/2018,waa mid  bog cusub u furaysa kalsoonida shacbigu ku qabaan  Cadaalada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here