Daawo: ABAAR XOOGAN OO KU DHUFATEY XOOLO DHAQATADA DEGMOOYINKA MANDHEERA IYO BULAXAAR EE GOBOLKA SAAXIL

0
294

Xoolo dhaqatada Reer Guuraga ah Ee Ku Nool Degaanka Hoos yimaada Degmada Mandheera iyo Bulaxaar Ee Gobolka Saaxil Ayaa Waxa la Soo Daristey Xaalad Qalafsan oo u Baahan in Gurmad deg deg ah Loo Fidiyo Kadib Markii ay ku Dhufatey Abaar Baahsan oo sameysay Dadka iyo Xoolahaba, Taas Oo Mudooyinkii u Dambeeyeyba Ka Taagneyd Degaano Badan oo Ka tirsan Somaliland iyo Geeska Afrikaba,
Degaanada Abaartu Sida Weyn u Taabatey Ee aanu kormeerka Ku tagney ayaa waxa Kamida Degaanka Tuulada Maqaaxida inanta,Macaneeya,iyo Degaanada Gubanka iyo Xeebta Galbeed Ee Gobolka Saaxil sida Tuulada Kolqorey, Higlaale, Karin Kulan, Geeri , Gargaarka,Daboraqas,iyo Tuulada Ragaadweyn Oo Dhamaantood ka tirsan Degaanada Galbeedka Saaxil Ee hoosyimaada Degmooyinka Mandheera iyo Bulaxaar , kuwaasi oo aanu kula kulaney Dad aad u Jilicsan Oo ay ka Baxeen Xoolihii Ama Duunyadii ay Dhaqanayeen Oo u baahan in Gurmad Caafimaad iyo Mid Bino aadminimo Loo