Mareeg Faalleysa Dhacdooyinka oo Tafaasiil ka Bixisay Mugdi ku Gadaaman Kaalinta Masar ku Leedahay Saldhigga Milatari ee Imaaraadku ka Samaysanayo Berbera

0
312

Hargeysa( Ceelgardinews.com )-Waxa marba marka ka dambaysa sii xoogeysanaya shakiga Itoobiya ka qabto kaalinta dawladda Masaaridu ku leedahay saldhigga Millatari ee Imaaraadka carabtu ka samaysanayo Magaalada Berbera. Arrintan oo aakhirka dhaawici doonta  iskaashigii saaxiibtinimo ee qotada dheeraa ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa  arrintan lagu lafoguray oo si xeeldheer u sharaxaysa warbixin uu 21-kii bishan qoray mareegta ka faaloota arrimaha mandaqada ee la yidhaahdo Alleastafrica, oo farta ku fiiqday  madmadowga ku jira qaabka loo bixiyay saldhiggan Millatari.

Alleastafrica, waxa uu warkiisa heshiiskan la xidhiidha ciwaan uga dhigay : “Shakiga isa soo taraya ee laga qabo doorka Masar ku leedahay Heshiiska saldhiga millatari ee Imaaraadku ka kiraysanayo Berbera” warkaasi oo shabakada Hadhwanaagnews, soo turjuntay waxa uu u qornaa sidan:-

“Mugdi ayaa ku jira kaalinta dawladda Masar ka qaadatay doorkii ay ku lahayd inay Hoggaamiyeyaasha Somaliland ee ka go’ay Soomaaliya ku qanciso inay saldhig Millatari ka kireeyaan Imaaraadka carabta, iyadoo uu soo baxay war sheegaya in saldhiggan loo adeegsan doono dagaalka Yemen.

Bishii April ee sannadkii hore, safiirrada Masaarida u fadhiya  Jabuuti iyo Kenya oo ay weheliyeen masuuliyiin ka socday Wasaaradooda  Arrimaha Dibadda, ayaa booqashadii u horreysay ee rasmiya weftigaas   Masaarida  ahi  ku tageen   caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanay sheegeen in socdaalkoodu uu bilow u yahay  suurtogalnimada  inay isaldhig millatari ka kiraystaan Somaliland.

Ku-xigeeka safiirka Masar u fadhiya Jabuuti, Haydam Omar, oo warbaahinta uga waramayay safarkoodii labada maalmood qaatay, waxa uu sheegay  in Masar iyo Somaliland ka wadahadleen sidii loo sii adkayn lahaa  iskaashiga labada dhinac, siday baahisay saxaafadda maxaliga ahi.

Wefti ka socday xulafada dagaalka kula jirta dagaal yahannada Xuutiyiinta Shiicada Yemen, oo toddoba xubnood ka koobnaa, ayaa kulan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, kuwaasi oo ku dhaadhiciyay  inuu la bilaabo Imaaraadka (UAE) wadahadalo uu kaga kiraynayo saldhigga Millatari, sida laga soo xigtay masuuliyiin aan doonaynin in magacooda la shaaciyo.

Madaxda Imaaraadka carabtu waxay wadeen wadahadalo  saldhiggan ku saabsan oo aakhirkii keenay inay labada dhinac heshiiyaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa ahaa masuulkii ugu horeeyay ee si cad u sheegay in heshiiskaasi uu yeelan karo waxyeeladiisa, waxaanu tilmaamay in masuuliyiinta  Itoobiya aanay ogolayn saldhiggan.

Imaaraadku wuxuu hore Somaliland ula galay  heshiis 30 sannadood qaadan doona oo ay kula wareegayaan maamulka dekadda Berbera.  Ka dib Markii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Itoobiya, waxa Wasiir Sacad  uu xusay in aanay Somaliland doonaynin inay lumiso  xidhiidhka ay la leedahay  waddamada jaarkeeda ah sida Itoobiya iyo Jabuuti.

Itoobiya waxay  cabsi isa soo taraysa ka qabtaa ku lug lahaanshaha Masar ee saldhiggan ciidan ee Imaaraadku ka samaysanayo Somaliland. tan iyo markii uu go’ay cilaaqaadkii siyaasadeed ee Imaaraadku la lahaa Jabuuti, waxay Somaliland u doorbideen inay noqon karto bedal ay ka helaan saldhig millatari, maadaama oo Soomaaliya ay heshiisyo badan kula jiraan Turkiga,”ayaa lagu yidhi warbixintaasi.

Sidoo kalena waxa warbixintaasi sheegtay in Itoobiya tahay dalka kaliya ee safaarad ku leh Somaliland. waxa kaloo Itoobiya ka taageertaa Somaliland nabadgelyada oo ay iska kaashadaan maadaama oo Mandaqad goboleedku aanu degaynin.

 

XIGASHO: Alleastafrica.com