Deg-deg : – Madaxwayne Farmaajo Oo Magacaabay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya.

0
336

Moqdasho ( Ceelgardinews.com ) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay Ra’isulwasaarihiisa cusub, waxana uu xilkaasi u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Xassan Cali Khayre waa Nin dhalinyara ah waxa uu ku noolaa dalka Norway.Wuxuu u soo shaqeeyey Hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway oo uu madax kasoo noqday.

Dhawaanahaan wuxuu ku noolaa dalka Ingiriiska, isaga oo madax ka ahaa Hey’ada Soma Oil and Gas.

Magacaabista Ra’isulwasaaraha ayaa imaneysa maalin kadib marki madaxweyne Maxamec Cabdullaahi Farmaajo loo caleema saaray xilka madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warkaan oo faah faahsan goor dhaw ayaan soo daabici doonnaa.

 

Sources:VOA