Sahamintii Shidaalka Ee Ka Socday Somaliland Oo La Filaayo In Wiigan laga Bilaabo Gobolka Saaxil iyo Caqabadaha Ka Hor Iman Kara

0
373

19kii November 2016 Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxay heshiis shidaal Sahamineed la gashay Shirkada BGB oo chine laga lee yahay ka dib markii ay dalka ka baxday Shirkadii Genel Energy Sabobo Amaan Dartood iyo wasaarada Macdanta iyo Tamarta oo ku duul daraysatay inay u maamusho Mashruucaas si laga wada raali yahay dhamaan dhinacyada ay khusaysaa

Wasiirka hore ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cali Ducaale wuu ku guul daraystay dhowr jeer hawlihii shidaal baadhista isagoo ay kala waynaatay Danta guud ee ah inaynu ku guulaysano hawlaha qaran ee shidaal baadhista isagoo ka door biday Dano shaqsi ah

Taas oo aakhirkii dhaxalsiisey inay wadanka ka baxdo shirkadii ganal energy ee waday hawlaha baadhista  shidaalka

Intaas ka bacdi waxay wasaaradu heshiis la gashay shirkad Shirkadda BGP Waxa todabaadyada fooda inagu soo haya gobolka saahil ka bilaabmi dooona Hawlihii sahaminta shidaal baadhista oo ay wado shirkada BGb.

hadab Wasiirka cusub ee wasaarada Macdanta iyo tamar waxa hoor yaal hawl adag oo lagu tijaabinayo kartidiisa hogaamineed , Daacadnimo iyo ka madhnaanshiiyiihiisa qabyaaladeed , Dad waynaha gobolka Saahil waxay il gaar ah ku eegayaan siduu wax u maamulo wasiirka cusub

hawsha shidaal baadhista ee ka bilaabmaysos gobolka saahil sida Shaqaalaha, qandaraasyada, iyo masuuliyiinta gadhwadeenka ka noqon doono hawsha iyo siyaabuhuu ku soo xusho. Waxa la eegaaba waa waasirka cusub iyo siduu u maamuli furfuri doono hal xidhaalaha hor yaal ee shaqo iyo xukuumada uu ka tirsan yahay 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here