TAARIIKHDU WAY ISQORAYSAA (Siyaasi Cali Guray )

0
400

TAARIIKHDU WAY ISQORAYSAA
Somaliland maanta Muuse Biixi Cabdi oo saraakiish waawaynayd ee SNM ka mid ahaa ayaa ka madaxwayne ah. Waxa ka horeeyay Axmed Maxamed Silanyo oo isaguna ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM. Ugu dambaysta SNM ama waxay ka dhigi wax lagu faano ama wax laga faano marka loo eego labadii madaxwayne ee ka sii horeeyay oo iyaga midkoodna aanu SNM ahayn marka laba walba gaarkooda loo eego kaalinta ay ku yeesheen geedi-socodka qaran-dhiska Somaliland gaar ahaan marxaladihii ay ka soo gudbiyeen iyo horumarka ay gaadhsiiyeen muddo is-le’eg. Hadda

waxa la marayaa sagaalkii sanadood ee ugu horeeyay. Anigu waxan la jiraa labada SNM inay kaalinta koobaad galaan ilayn arinku waa buntirsi oo kuwan ayaan guushiida la yeelanayaaye. Laakiin wax rag kaa galay rako kaa gale baa la yidhiye in aanu badino iyo in la naga badiyo labadaa mid uun bay noqon anigu labadaba inay noqon karto diyaar baan u ahay oo waa wax aan fili karo. Markaa xaalku waa

“dabalaay ama gooji ama ha goojinoo geela guga dhalaya ayuun baan kugu tirinayaa” maantana ninka looga fadhiyo inuu goolka dhaliyaa waa Muuse Biixi Cabdi Ilaahay ta san ha waafajiyo eh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here