Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 6’aad

0
349

Shaqo abuurka iyo shaqo la’aantu marna waa fursad marna waa caqabad dalka dhib ku ah,
Maalmihii u dambeeyay waxaan aad u qaadaa dhigayay in dhallinyaraddu shaqo helaan ama
shaqo abuuraan, dalkeenna marka laga hadlayo waxa buuxa fursaddo badan oo shaqo lagu
abuuri karo iyo fursado badan oo aynaan wali dareemin se loo baahan yahay.

Haddii la doonnayo in dhallintu shaqo hesho waa in qorshe balaadhan oo dhinacwalba ah laga
yeesho, xukuumadda uu hoggaaminayo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku dhex jira
dheemantii dhallinta iyo aqoonyahanka u hiiliyay, waanna Masuulka kaliya ee maanta hankii
iyo higsigii dhallinyaradda Soo nooleeyay wax aan u aqoonsadday Sharmaarke Geelle inuu
yahay masuulkii Kartida iyo caddaaladda xukuumadda Maanta , inbadan waxaan maqlayay
Shaqooyinka dawladda waa la qaybsadaa, in badan waxaan maqlayay cid gaara ayaa kooto ku
haysata haddaba ilaa maalintii uu sharmaarke Geelle la wareegay hay’adda shaqaalaha waxa
isbeddelay hankii loo qabay in imtixaan iyo aqoon lagu hello shaqo tusaale 09.12.2018

waxay
ahayd maalin ka mida maalmihii Hay’adda shaqaaluhu tartan galisay 50 kaalmood oo goboladda
dalka imtixaan loo gallayay, anigu waxaan ku sugnaa Berbera, waxaanan maqlay in
imtixaankaas la galayo oo codsiyaddii la furay ayaa waxa codisgaas xaraystay aniga iyo
Xaaskayga Fahiima , anagoo doonnayna in aanu caddaaladda hay’adda shaqaalaha markhaati ka
noqono, waxa imtixaanka u tartamayay 264 qof, 10.12.2018, waxa kale oo ay noqotay mucjiso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here