Djibouti Oo Ciidamada Badda Somaliland Ku Tilmaamtay Maleeshiyo Soo Xad-Gudubtay

0
239

Telefishanka afka xukuumadda ku hadlaya ayaa habeenkii xalay war uu sii daayay kaga hadlaya dagaalkii ciidamada xeebaha Somaliland iyo Djibouti ku dhexmaray magaalo xeebeedka Saylac ee uu ku dhintay askariga ka tirsan ciidamada Somaliland. Xukuumadda Djibouti ayaa inkirtay jiritaanka Somaliland,iyagoo sheegay in rag hubaysan saarnaayeen Markab laga leeyahay dalka Masar oo ay sheegeen inuu sharci daro kaga kaluumaysanaya badda Djibouti. Telefishanka Dawlada Djibouti ayaa sheegay in ciidamada badda Djibouti la dagaal galay maleeshiyo ka tirsan dawlada Somalia oo ku soo xad gudbay badda Djibouti sida ay warka ku sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here