” Djibouti iyo booqashada madaxwayne MBC ” Falan qeyntii Jamal A. Muse

0
402

“Gorfeynta Booqashada Koowaad ee Madaxwayne MBC, Soo Dhaweynta Shacabka Djibouti iyo Madaxwayne IOG, Isku Ahaanshaha labada dad iyo Seeganta Dharaarahan”

Ugu horreyn, haddii ololihii iyo hawlihii xisbiyadu dhammaadeen aad uma jecli ka hadalka arrimaha siyaasadda ” Difaac iyo weerar toonna”. Waayo waxaan aaminsan nahay intii hadal lagu mashquuli lahaa in ficil iyo fulin lagu mashquulo. Shaqsi ahaanna waa la gaadhay kobtii doorkan hayaankaygu ahaa, waana in qarankani helay madaxwayne lagu halayn karo hagidda hawlaha qaranka.

Haseyeeshee, waxaan maanta qalinka u qaatay macne tirka ay dadka qaar ku samaynayaan booqashada koowaad ee madaxwayne MBC ku tagay dalka Djibouti oo siyaabo kala gedisan loo macneeyay. Si san arag amma waxsan sheeg ha ii joogee, waxaan ilaa shalay ku dhago barjoobay sheegmada khaldan ee xume sahadisku ku liidayo milgaha iyo maamuuska booqashada madaxwayne MBC iyo soo dhaweynta darisnimada, walaalnimada iyo wax isku ahaanshaha ummadnimo muujinaysa ee shacabka, dawladda iyo madaxwaynaha Djibouti ku maamuuseen waftiga madaxwayne MBC.

Doodda taagan ayaa ah, muxuu madaxwaynuhu dalka Djibouti ugu xushay inuu ku tago booqashadiisa koowaad ee uu dalka dibedda uga baxay?. Jaalle hadaad ka mid tahay inta ay ku adkaatay fahanka iyo helidda jawaabta waydiintani, iga qabo dhawrkan qoddob oo sababbi kara in madaxwayne Somaliland yeelataa booqashadiisa koowaad ka bilaabi karo dalka Djibouti:

1. Daris wadaagnimo ” Waxaynu nahay labo dal iyo labo ummadood oo allaah daris ka dhigay, unna baahan in ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan iyo walaalnimo toosan”.

2. Dhiig & dhalasho wadaagnimo ” Waxaynu nahay dad wadaagga tolnimo, xididnimo, abtinimo, xigaalnimo iyo xigtonimo oo aan ku tilmaami kari isma hurto”.

3. Dal iyo dad wadaagnimo ” Djibouti iyo Somaliland waxaa degan dad isku dad ah oo haybta Soomaalinimo meel ka sokeysa ku oo kanbalm kulaal ah ku kulma, inta Djiboti degan uun baa Somaliland na degan, bal orod Djibouti tag oo dareen qaxootinimo iyo in aad dal shisheeye joogto”.

4. Halgan iyo xorreyn wadaagnimo “Xorreyntii dalka Djibouti qofkasta oo Somaliland waxaa ka qayb galay mid ka mid ah aabbihii, adeerkii, awowgii, abtigii, seedigii, walaalkii iwm. Halka dib u xoreyntii Somaliland ay Djibouti door wayn ku lahayd”.

5. Xaalad Wadaagnimo ” Geyiga aynnu ku wada dhaqan nahay darteed, waxaynu nahay dad xaalad wadaag ah oo dhib iyo dheefba wadaagga”.

6. Dheef wadaagnimo “Haddii ogaalka qoddobkani kugu yar yahay fadlan aad magaalooyinka Lawyacado, Saylac, Lughaya, Boon, Borama, Gabilay iyo Arabsiyo”.

7. Dhaqan iyo hidde wadaagnimo ” Labada dalba waxaa laga ciyaaraa ciyaaraha caanka ah ee Saylici iyo wilwilaha”.

8. Lahjad wadaagnimo ” Lahjadda afka Soomaaliga ee ay ku hadlaan reer Djibouti waa mid dad badan oo reer Somaliland ah saameysay siiba haweenka, tusaale degsiimooyinka ka hooseeya Hargeysa iyo Boorama, waxaad arki doontaa in gabdhaha degaamadaa kubdhaqani ku yidhaan huuno hebel wuxuu kaa yidhi kan iyo kan, waa uun tusaalaha is lahaanshaha labada dad”.

10. Sharci wadaagnimo ” Waxaa jira dad badan reer Somaliland oo si sahlan u hela passport ka Djibouti, tusaale markaan Borama joogto waxaaba yar qof aan haysan amma aan ku jirin line passport ka Djibouti”.

11. Dhaqaale wadaagnimo ” Dhaqaalaha degmooyinka xeebta iyo dad badan oo kale ayaa ku tiirsan dalka Djibouti, xiliyadii aan yaraa waxaan xasuustaa in qofka Djibouti ehel u jooggaa ahaa midka noogu xaragada badan dhar ahaan”.

12. Xaddaarad wadaagnimo ” Dadka reer Djibouti iyo reer Somqliland waa dad wadaagga isir xaddaaradeed oo guun ah”.

13. Maydh wadaagnimo ” Waxaan nahay dad ka soo wada jeeda gobalkij awowyaasha ee Sanaag gaar ahaan degmada MAYDH”.

14. Hogaan dhaqan iyo xeer-beegti wadaagnimo ” Waxaynu ka siman nahay hanaanka hoggaan dhaqameedka oo ku aroora Ugaasiya, Garaadiya iyo Suldaaniya”.

Intaasi iyo in ka badan baynu wadaagnaa shacabka Djibouti, sidaa darteed waa suurtagal in Djibouti shacab ahaan iyo dawlad ahaanba lagu fogeeyo aragti siyaasadeed oo meelaha qaar lagu kala duwan yahay. Runtii Somaliland waa qaran jira oo aan cidna ku qasbeyn aqoonsigeeda, balse waa muhiim in wadamada dariska xidhiidh wanaagsan la la yeesho.

Ugu danbeyntii waan ku bogaadinayaa madaxwayne MBC inuu dalka Djibouti ka bilaabay booqashadiisii koowaad, oo uu hoggaaminayo wafti dheelitiran oo ka kooban Awdal ilaa Sool. Waana aragti-san, tusan iyo tubsan hoggaamintaada weli curdinka ahi. Mudane madaxwayne waxaan kula garab taagan nahay talo-san iyo toosin qaran.

 

Jamal A. Muse

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here