Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland (RDA) Mudane Maxamed Faarax Cabdi ayaa maanta sameeyay magacaabista Isuduwayaasha Gobollada Dalka ee Hay’adda, tallaabadan oo ujeeddadeedu tahay dardar-gelinta shaqada Hay’adda, xoojinta isku-xidhka maamulka gobollada, iyo kor-u-qaadista hirgelinta mashaariicda horumarinta wadooyinka ee ka socda guud ahaan dalka.


















