Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga iyo Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ayaa magaalada Borama ka bilaabay kullamo lagaga arrinsanayo

0
146
Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga iyo Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ayaa magaalada Borama ka bilaabay kullamo lagaga arrinsanayo sidii gobolka Awdal loo gaadhsiin lahaa mashruuca maamul daadejinta, kaas oo sahlaya in gobolada kale e Galbeedku adeegyadii ay u doonan jireen Caasimada Hargeysa inay ka helaan Borama.
Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL oo faahfaahiyey muhiimada arrintan u leedahay gobolka Awdal ayaa sheegay in waajib tahay in muwaadiniintu dhamaan adeegyada dowladda ay ka helaan goboladooda, taasina ay meesha ka saarayso adeegyadii loo doonan jirey Hargeysa.
“Gobolka Awdal waxa uu nasiib u helay inuu kamid noqdo labada gobol lagu bilaabayo mashruucan maamul daadejijnta ee la iskugu keenayo adeegyadii dadku u baahnaayeen hal meel si qofka ay uga yaraato qarashkii,socodkii, wakhtigii faraha badnaa ee ka lumi jirey, goboladii kale ee ka adeegan jirey Caasimaduna Borama ayay ka qaadan doonaa dhamaan adeegyada”Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagsa JS