Kaydkii raashinka Qaranka ee gobolka Togdheer oo intiisa ugu badan loogu talo galay dadka abaartu saamaysay ee gobolkaasi Togdheer ayaa la lunsaday

0
115
Kaydkii raashinka Qaranka ee gobolka Togdheer oo intiisa ugu badan loogu talo galay dadka abaartu saamaysay ee gobolkaasi Togdheer ayaa la lunsaday sida ay Gallaydh TV u xaqiijiyeen mas’uulliyiin ka tirsan xukuumadda.
Raashinkan ayaa laga waayay kaydka Raashinka Qaranka kadib markii la is yidhi u rarara deegaamadii loogu talagaley.
Hantidhawrka guud ee Somaliland ayaa geliyay baadhitaan degdeg ah sida uu noo xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tiraan xafiiska Hantidhawrka guud.
Sidoo kale Burco waxa gaadhay guddoomiyaha guddida Kaydka raashinka Qaranka ee Somaliland si uu qayb uga noqdo dedaallada socda.
shir degdeg ah oo arrintan ku saabsan ayaa hadda u socda maamulka Togdheer iyo mas’uulliyiin xukuumadda dhexe ka socda oo Burco ku sugan.
Wariyaha Gallaydh TV ee Burco Cumar Soomaali ayaa sheegaya in Mas’uulkii xukuumadda u qaabilsanaa kaydka raashinka Qaranka ee Togdheer la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay kadib markii ay soo baxday fadeexada la xidhiidha lunsiga raashinkii Kaydka Togdheer.