Guddoomiyaha Gobolka Hawd, mudane Maxamed Cabdilaahi Bookh ayaa si rasmi ah magaalada Balli-gubadle uga dhagaxdhigay maanta xero ay Ciidanka Qaranka JSL ku yeelanayaan magaaladaasi.
Xeradan cusub ayay Maamulka Gobolka Hawd iyo Taliska Ciidanka Qaranku ay sheegeen inay qayb weyn ka qaadan doonto adkaynta amniga iyo xasiloonida dalka iyo kor u qaadida tayada iyo awooda ciidanka. Waxaana dhismaha xeradan ay ku dhamaan doontaa muddo 2 ilaa 3 Bilood ah.


















